Madaxwayne Siilaanyo oo Loogu Baaqay in Labada Doorasho Mar la wada Qabto
Hargaysa 18. November 2016 (SDN/QJ):- Musharaxa aqalka Gollaha Wakiiladda Somaliland ee Doorashadda soo socota,ayaa muujiyay suura-galnimadda inay doorashadda Madaxtooyadda uu dib-u-dhac ku yimaaddo,marka la-eeggo xaaladda abaareed ee uu Dalka waajahayo oo maalinba ta xigta kasii kululaanaysa.
Dr.Maxamed Xasan Finad,ayaa usoo jeediyay Madaxweyne SIILAANYO in haddii uu dib-u-dhaasi yimaaddo uu soo saaro wareegto uu labadda Doorasho ku midaynayo,si looga fogaado muddo-kordhin kale oo tusbax furran noqota,taas oo dhaawacaysa Sumcadda Dalka,isla-markaasna horseeddi karta kala-fogaansho markale soo kala dhex-gala Somaliland iyo Beesha caalamka ee Somaliland kala shaqaysa meel-marinta iyo hir-galinta Doorashooyinka.
Musharax Maxamed Xasan Finad,ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga,waxaana uu u dhignaa qoraalkaasi sida tan; “Inagoo og abaarta baahsan ee dalkeena asiibtey Alle ayaan ka baryaya in uu raxmadiisa inoo shubo, dhibtan dhacdeyna waxay dib u dhigeysa doorashadii madaxtooyada oo ay khasab tahay in wakhti lagu daro inta Rabbi inoo soo naxriisanyo, waxaan madaxweynaha u soo jeedinaya in laysla mudeeyo labada doorasho madaxtooyada iyo baarlamaanka gudidii uu balan qaadeyna magacaabo si looga baxo iska horimaadka beesha caalamka iyo mudo dhaafka golaha wakiilada.
Allaw dhibka naga saar ya raxman”.Ayuu yidhi Musharax Maxamed Xasan Finad oo ka sharaxan Gobolka ay caasimaddu ku taallo ee Maroodi-jeex.