War Deg Deg ah: Madaxwayne Siilaanyo Oo Guddi U Magacaabay Qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye DAAWO
Hargaysa 21.Oct 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii uu darsay baaxadda khilaafka xisbul-xaakimka KULMIYE, waxa uu go’aamiyay in Guddi shan xubnood ah oo ka kala socda Garabadda u loolamaysa murrashaxa madaxwenaha u xil saaray inay si wada jir ah u qaban qaabiyaan shirka shanaad ee Golaha dhexe ee xisbigaasi.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu ka dib markii uu shalay illaa habeen hore urursaday tallooyinka waayeelka KULMIYE, waxa uu ugu dambayn saaka amar ku bixiyay inay Guddi qaban qaabo oo soo agaasinta hanaanka uu u qabsoomayo shirka Golaha dhexe ee loo muddeeyay inuu magaaladda Hargeysa ka qabsoomo 10-ka Bisha November 2015 ee fooda innagu soo haysa.
Guddidaasi oo shan xubnood ka kooban waxay kala yihiin
1)- Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, oo ka soo jeeda Garabka Muuse Biixi.
2)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle (Guddoomiye Ku –xigeenka Saddexaad ee KULMIYE) oo ka soo jeeda isbahaysiga Murrashaxiinta kale.
3)-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo (Guddoomiye Ku –xigeenka Labaad ee KULMIYE) oo ka soo taageersan isbaysiga Murrashaxiinta kale.
4)-Maxamed Kaahin Axmed (Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE) oo ah Garabka Muuse Biixi.
5)- Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo isagana oday looga dhigay.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo u hadlayay Labada Garab ayaa soo dhaweeyey Gudidan Cusub ee Madaxweynuhu u Magacaabay Qaban Qaabada Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Buuqu ka dhashay Waxayna sheegeen inay Kalsooni buuxda ku qabaan hawl qabadka Gudidan.
Guddidani waxay biyo col dhaanshay ka dhigayaan hawl-galkii Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu maalmihii la soo dhaafay ku bilaabay qorshe uu ku kaliyaystay oo ku qeybinayay kaadhadhka Golaha dhexe, arrintaasi oo saddexda murrashax ee kale ee la tartamayaa ku tilmaameen mid ka mid dariiqooyinka madmadowga abuuraya ee uu Guddoomiyuhu ugu tagri falayo awooda hoggaamin