Madaxwayne-Kuxigeenka JSL Oo Daah Furay Mashruuca Sannadlaha Ah Ee Horumarinta Dawladaha Hoose Ee Dalka (JPLG) Isla Markaana Saluug ka Muujiyey Qoondada Dhaqaale ee Sannadkan DAAWO
Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah furay mashruuca sanadlaha ah ee horumarinta dawladaha hoose ee dalka ee loo yidhaa (JPLG).
Mashruucan oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay’ada UN Habitat ayaa lagu soo bandhigay miisaaniyada sannadkan ay u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka isaga oo ka badan kii sannadkii hore.
Afhayeen u hadlayay hay’ada UN Habitat ayaa sheegay in Mashruuca JPLG-gu yahay mashruuc faa’iido tiro badan u leh guud ahaan Somaliland, isagoo xusay in dhankeedana Jamhuuriyadda Somaliland ay si wayn ugu guulaysatay hab nidaameedka shaqo ee mashruucan isagoo ugu baaqay dalalka gobolka iyo hay’adaha Caalamiga ahba inay wax ka bartaan Somaliland.