Madaxwayne Ku Xigeenkii Somaliland iyo Maayarad Qaar Ka Mida Maayarad Gobalada Dalka Ayaa Maanta Saxeexay Wajigii Labaad Mashruuca Horumarinta Magaaloyina Ee GPLG ga (Sawiro)
Hargeisa 18/2/2015(SDN/QJ)-Mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee loo soo gaabiyo GPLG, ayaa maanta lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxaana shirkaasi lagu kala saxeexday wejigii labaad ee heshiiskaasi oo noqon doono mid lagu fulindoono baahiyaha caafimaad ee Magaalooyinka Berbera, Boorama iyo Burco una saxeexeen, goobjoogna ay u ahaayeen Maayaradu, marka laga tago burco oo uu u joogay maayar ku xigeenku.
Shirkan oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiir Caafimaadka Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye iyo Wasiirku xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cismaan Garaad Soofe, iyo Agaasimeyaasha wasaaradaha qaar.
Dhinaca maayaradana waxa heshiiskan saxeexay
1. Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin)
2. Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi
3. Maayir ku xigeenka Burco, Muxumed Xasan Jaamac (Xoday)
Waxaana halkaasi ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha, Maayarada, masuuliyiinka socday Hay’ada UNICEF.
Hargeisa SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com