Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirwaynihii 8aad ee Dallada heer qaran ee SONYO DAAWO
Hargaysa 27. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shirwaynahaasi oo lagu qabtay Hotelka Ambassador waxa kasokow Madaxwayne-xigeenka kulankaas ka qayb galay Madaxda ugu saraysa Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.,Guddomiyaha hay’ada Shaqaalaha Dawlada, wasiiro iyo Madax kala duwan.
waxaanay masuuliyiintaasi halkaa ka soo jeediyeen khudbado ay dhalinyarada kaga waaninayaan Qabyaalada ,iyo qof jeclaysiga.
Madaxwayne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo si rasmi ah u furay shirwaynaha sideedaad ee dalladaasi ayaa dardaaran u soo jeediyay xubnaha dallada SONYO isagoo sheegay in aanay xukuumada Somaliland soo faragalin doonin arrimaha Dallada SONYO waxaanu yidhi “Waad u madax bannaanan doontaan arrimihiina cid idin faragalin doontaana majirto ,waxanan Idinkula dardaarmayaa inaad soo saartaan hoggaan wanaagsan oo badala hogaankii hore “ayuu yidhi Madaxwayne-xigeenka Somaliland mudane Saylici.
Shirwaynaha dallada SONYO ayaa socon doona muddo laba maalmooda iyadoo habeen danbana ladooran doono hoggaan cusub oo badala kii hore ee wakhtigu ka dhamaaday.