Madaxwayne ku xigeenka Puntland Iyo Wafdi Lasocda oo gaadhay Magaalada Buuhoodle DAAWO
Buuhoodle 18.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wefdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa gaadhay magalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.
Ujeedka socdaalkiisa Buuhoodle oo ay ku weheliyaan xildhibaano baarlamaanka ka tirsan iyo qunsunka Itoobiya ee Puntland ayaa salka ku haya geeridii ku timi allaha u naxariistee hooyadiisa Faadumo Xuseen Xayle oo ku dhimatay wadanka Hindiya.
Inta uu madaxwayne ku xigeenka ku sugan yahay magalada waxa uu sidoo kale u guur gali doonaa xaalada degmadaas.