Madaxwayne Gaas: “Dawlada Soomaaliya waxaan ka wada shaqaynaa la dagaalanka Al-Shabaab,ma malaynayo inay wax ka ogyihiin Ciidanka yimid Xeebaha Puntland” DHAGAYSO
Minnesota 18.March 2016 (SDN/QJ):-Kadib markii ay dhowaan soogaareen ciidamo hubeysan qeybo kamida Xeebaha dowlada puntland kuwaas oo ay dowlada Puntland sheegatay in ay katirsan yihiin Al-shabaab ayaa waxaa jirey eedeyn loo jeediyey dowlada federaalka Soomaaliya kaas oo ahaa in ay dowlada dhexe wax ka ogtahaya weerarka ay ciidamdaan sooqadeen.
Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo wareysi sii nayey VOAda laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in uusan marnaba aaminsaneyn in dowlada federaalka ay wax ka ogtahay ciidamadaan uu sheegay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab waxa uu sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya iyo Puntland ay ka dhexeyso wada shaqeyn ku aadan sidii loola dagaalami lahaa Al-shabaab.
Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa wax laga weydiyey hadal kasoo yeerey mid kamida wasiirada dowlada Puntland gaar ahaan wasiirka amniga oo yiri “Dadka nagu soo duulay waxay soo mareen Hobyo, Xarardheere illaa wadada dheer ee Badda iyo Bariga, abaabulkaas dowladda Soomaaliya kama madax banaana, gacan ayay ku leedahay soo duulitaanka Puntland” Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa sheegay in uusan jirin wasiir sitoos ah hadalkaas u yiri balse ay jiraan wasiiro si dadban uhadlay.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay intii lais’eedeyn lahaa xilligaan iney kawanaagsantahay in lais’lawada shaqeeyo oo haldhinac loooga soo wada jeesto cadawga.
Dhanka kale waxaa wax laga weydiiyey madaxweynaha dowlada Puntland in ay ubaahantahay xilligaan ciidan katirsan Amisom waxa uuna sheegay in aysan marnaba Puntland ubaahneyn ciidan katirsan Amisom.
Hadalkaan ka soo yeerey madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli wasiirka Amniga dowlada Puntland uu sheegay in dowlada federaalka qeyb ka tahay amaba ay wax ka ogtahay ciidamadaan soo gaarey xeebaha Puntland.