|

Madaxwayne Donald Trump Oo Diiday Inuu Gacan Qaado Raysal Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ?

Washington 21. March 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan Dunida ayaa aad looga hadal hayaa sababta ay isku gacan qaadi waayeen Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo Ra’iisal wasaaraha Dalka Jarmalka, kadib markii ay kulan ku yeesheen Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka kaasoo dhacay toddobaadkii hore.

Kulankan oo ahaa kii u horreeyay ee Ra’iisal wasaaraha Jarmalka oo lagu tiriyo in ay tahay hoggaamiyaha ugu awooda badan Madaxda Yurub ayaa gacan qaad la’aanta Trump Dadka Siyaasadda faaleeya ku macneeyeen in ay muujinayso xidhiidhka sii xumaanaya ee Maraykanka iyo Jarmalka.

Arrintan oo hadal haynteedu gaadhay Aqalka Cad ayaa waxa sida loo hadal hayo si ka duwan uga hadlay Afhayeenka Madaxwayne Trump, Sean Spicer oo wareysi siiyay barta Internet-ka ay ku leedahay Majalada Der-Spiegl ee ka soo baxda Dalka Jarmalka ayaa waxa uu yidhi “Ma aaminsani in Madaxwayne Trump uu maqlayay codsiga ay u soo jeedisay Ra’iisal wasaaraha Jarmalku ee ay ku codsatay inay is gacan qaadaan, iyada oo aad ugu badnaayeen goobtii uu kulanku ka dhacay suxufiyiintu”.

Arrintan ayey Warbaahinta Dalka Jarmalka ku sheegeen inay labadan Masuul isku khilaafeen arrimo la xidhiidha Qaxoontiga iyo Ganacsiga, taasina ay sababtay in Trump maqli waayo codsiga Merkel ee ahaa in ay is qacan qaadaan.

Comments are closed