“Madaxwayne Axmed Silaanyo Xilka Cid Ka Furdaamisa Ayuu U Baahan Yahay Ee Cid U Kordhisa Uma Baahna, Kuwa Ku Maxaafsanayaa Waa Cadaw Alle Haka Qabto”
Hargaysa 03. March 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf oo loo yaqaano Mujaahid Cali Guray ayaa si ba’an u dhaliilay kooxo uu ku tilmaamay in ay magaca Madaxweyne Siilaanyo ku maxaafsadaan oo ay waliba muddo dheer oo kale ku sii maxaafsadaan oo uu ku tilmaamay in ay cadaw u yihiin Madaxweyne Siilaanyo loona baahan yahay laga furdaamiyo.
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka dareen celinaya xaaladda gaabka ah ee dalku galay kadib markii ay dhammaatay muddo kordhintii koobnayd ee loo sameeyey Madaxweyne Siilaanyo markii ay sannadkii hore dhaaftay muddo xileedkiisu isla markaana ay mar kale dib u dhacday doorashadii Madaxtooyada Somaliland ayaa kooxo wasiirro u badan oo ka ag dhaw Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Cali Guray ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aan arxan lahayn oo doonaya in ay Madaxweynaha ku sii dhegsanaadaan oo muddo kordhin dantooda ah loo sameeyo isaga oo kuwaasi ku tilmaamay kuwo u baahan in laga badbaadiyo illaa ay aakhiro u diraana aan doonayn in ay Madaxweynaha sii daayaan.
Cali Guray oo qoraal kooban arrinkan kaga hadlayay kuna faafiyey degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu yidhi:
“Madaxwayne Axmed Siilaanyo xilka cid ka furdaamisa ayuu u baahan yahay ee cid u kordhisa uma baahna. Kuwa magaciisa ku maxaafsada ee doonaya inay ku sii maxaafsadaan waa cadow arxan goys ah oon dan iyo muraad ka lahayn Madaxwaynaha. Haddi muddo kordhin ka badan intii la isla ogolaaday sameeyaan waxa marag ma doon ah inaanay ka fuqayn ee ku dheganaanayaan oonay sii daynayn ilaa ay aakhiro u dirayaan. Waar yaa ka qabta? Horaa looga qaban lahaa dheh. ILAAHAY HA KU XAFIDO MEEL KASTA IYO GOOR KASTABA” ayuu yidhi Cali Guray.