Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo Tacsi U diray Maxamed Yusuf Jaamac (Dhegay) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa iyo Marxuum Suleebaan Haybe Xaaji Dude oo ku geeriyooday magaalada Burco.
Hargeisa 6/8/2014 (SDN/QJ) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka bexeen Marxuumiinta kala ahMaxamed Yusuf Jaamac (Dhegay) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa iyo Marxuum Suleebaan Haybe Xaaji Dude oo ku geeriyooday magaalada Burco.
Labadaa Marxuum oo ahaa Odayaashii iyo waxgaradkii kaalinta weyn ka soo qaatay dhismaha qaranka iyo nabadiisaba waxa uu madaxweynuhu ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan ha ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Hargeisa SDN/QJ
Concat@somalidiasporanews.com