|

Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku baaqay inay Wasiiradu isaga guuraan Madaxtooyada DHAGAYSO

Muqdisho, 04.May 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dawlada federalka Soomaaliya mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa golihiisa wasiirada ugu baaqay inay isaga guuraan agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

 

XASAN SHEEKHXassan Shiikh Maxamuud ayaa wasaarda Soomaaliya u sheegay in looga baahanyahay inay dayac tirtaan xarumahooda ku yaal degmooyinka kaladuwan ee gobolka Banaadir aysana kaliya degenaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegay in looga bahanyahay wasaaradaha iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan degmooyinka inay dhistaan xarumaha dayacan si gaarana wuxuu u soo hadal qaaday wasaaradaha xanaanada xoolaha,Caafimaadka,Maaliyada iyo Warfaafinta oo guryahooda ay degenyihiin dad kale.

 

Hadalkan madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu maalmo kooban u qabtay dad uu sheegay inay degenyihiin xarumaha wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Comments are closed