Madaxwaynaha Somaliya oo Muwaadin Reer Somaliland u Magacaabay safiirka Qaramada Midoobay u Fadhiya Dawlada Federaalka Somaliya
Muqdisho 21,March,2016(SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliya ayaa lix safiir oo uu toddobaadkan magacaabay wuxuu safiirka Somaliya ee Qaramada Midoobay u magacaabay masuul dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a somaliweynta.
Xasan Sheekh wuxuu Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka soo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland u magacaabay inuu noqdo safiirka Somaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York. Mr. Beyle ayaa hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee dawladaha Xasan Sheekh.
Dadka kale ee safiirada loo magacaabay ayaa kala ah General C/Raxmaan Sheekh Ciise oo loo magacaabay xarunta Midowga Yurub, Abuukar Cabdi Cismaan oo loo magacaabay Koonfur Afrika, Cali Shariif Axmed oo loo magacaabay safiirka Faransiiska, Fakaru-diin Maxamed oo loo magacaabay inuu noqdo safiirka Kenya iyo Maxamed Xasan Cabdi oo loo magacaabay inuu Somaliya u fadhiyo dalka Turkiga.