|

Madaxwaynaha Somaliya oo ka hadlay Doorashada Djabuuti ee uu ku Guuleystay Mudane Geele

Muqdisho 9,April,2016(SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh , ayaa Maanta u Hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle doorashadii markii Afraad loo doortay xilka Madaxweynenimo ee Dalkaas, kaddib doorashadii madaxweynaha ee shalay ka dhacday.

XASAN SHEEKH VS ISMAACIIL CUMAR GEELEXasan Sheekh, ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku yidhi. “Madaxweyne Geelle waxaan kuugu Hambalyeynayaa guusha weyn ee aad kasoo hoysay Doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday Jabuuti. Guushaana waxay Tilmaamaysaa kalsoonida shacabkaagu kugu qabaan iyo Wax-qabadkii dalkaaga u horseeddday, taasoo dunida oo dhan ay qirtay.”

 

Sidoo kale, Madaxweyne Somaliya Xasan Sheekh , ayaa xusay in biseylka Shacabka iyo Siyaasiyiinta Jabuuti ee dhinaca dimuqraadiyadda uu yahay kan keenay in doorashadani ay si nabad-galyo ah ku dhacdo, fursadna la siiyo in waddanku uu hore u sii socdo.

 

“Waxaan filayaa in adigoo kaashanaya shacabkaaga aad halkaas kasii wadi doonto Wax-qabadkii aad ummadaada u haysay, anigoo rajeynayaa inaad dalka gaadhsiin doonto horumar ka ballaadhan kii aad gaadhsiisay 17-kii sano ee aad talada haysay. Waxaana kuu xaqiijinayaa in Soomaaliya iyo shacabkeeduba ay ku garab-taagan yihiin mar kasta,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

 

Dhanka kale, Raiisal Wasaaraha  Somaliya Mudane Sharma’arke ayaa isagana war-saxaafadeed uu Maanta kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay inuu hambalyo u dirayo Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay Doorashadii shalay ka dhacday Jabuuti.

 

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacbiga Soomaaliyeed, waxaan Ismaaciil Cumar Geelle, adiga iyo shacabka aan Walaalaha nahay kuugu Hambalyeynayaa guushii iyo Natiijadii kasoo baxday Doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday waddankaaga oo mar kale ummadda Jabuuti ay kugu siiyeen kalsoonida ay madaxweynaha cusub kuugu soo doorteen, Waxaan kuu rajaynayaa in ALLE kuu fududeeyo mas’uuliyadda shacbigaagu ku saareen,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.

 

Raiisal wasaaraha Somaliya ayaa Qoraalkiisa ku yidhi. “Shacabka iyo Xukuumadda Somalia waxay yihiin taageerada iyo Gacan-qabashada aad noo fidisaan, taasoo aan Rajaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhka wada-shaqeyneed u labada waddan u dhexeeya.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afraad shalay loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Jamhuuriyada Jabuuti, kaddib markii uu ka helay natiijadii cod-bixintii Doorashadii shalay codad gaadhaya 86.68%, taasoo aad uga sarreysay codadkii ay heleen shanti murshax ee tartanka kula jiray.

Comments are closed