|

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii ayaa gaadhay Magaalada Dubai ee xarunta Imaaraadka Carabta Dawo sawirda soo dhawaynta

Dubai 24March 13 (SDN) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii ayaa gaadhay Magaalada Dubai ee xarunta Imaaraadka Carabta.

Weftiga oo diyaarad khaas ahi ka qaaday Madaarka diyaaradaha Berbera, ayaa waxa madaarka diyaaradaha ee Dubai, waxa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka mid ah dawladda Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo madaarka ku sii diyaar ahaa.

Weftiga Maaxwaynaha oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Wasiir ku xigeenada Caafimaadka iyo Warfaafinta, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada, Guddoomiyaha Kulmiye iyo Marwada koowaad ee qaranka, ayaa la filayaa inay isla caawa kulamo la qaataan masuuliyiinta dawladda dalkaasi.

Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo meeqaamka dadka madaarka ku soo dhaweeyay, inkasta oo aqalka Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa uu warbaahinta u soo diray Sawiro muujinaya soo dhawaynta.

Qurbejoog

Dubai

 

Comments are closed