Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland oo kormeeray wasaraddo ka Tirsan Maamulkiisa
Garowe 05.July 2014 (SDN/QJ)- Madaxawaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa saakay kormeer kadis ah waxa uu ku tagay qaar ka mid ah wasaradaha dowladda oo wasiiraddii iyo Agaasimayaashii guud ay ka maqan yihiin.
Socdaalkan waxaa ku weheliyay sarakiil ka tirsan xafiiskiisa kuwaasoo u guur galayay xaalada wasaradaha dowladda iyo sida ay u shaqeeyaan waxayna dhaawac ku tahay dhawaaaqyo dhaadheer oo uu Gaas ku sheegay inuu is-badal muuqda shacabka Puntland gaarsiin doono.
Wasaradaha uu lugta kusoo maray Dr.Gaas ayaa waxa ka mid ahaa warfafinta, haweenka, shaqada & shaqalaha, Amniga iyo xarunta CID wuxuna badankood kusoo arkay xarumo aysan ka muuqan wax shaqo ah isla markasna ka maqan yihiin wasiiradii loo idmaday inay shacabka u adeegaan.
Gaas warbaahinta war kama siin waxyaabaha uu kusoo arkay xarumaha uu boqday hase ahaatee agaasimaha ciyaaraha iyo dhalinyaradda Axmed Cabdala Tigaana oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inuu saakay madaxwaynaha kusoo booqday xarunta wasaradda isla markasna uga war bixiyay xaalada wasaradda iyo sida ay shaqadu u socoto.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay madaxda Puntland kormeer gaadmo ah ku tagaan xarumaha wasaradaha balse madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo labo jeer oo hore socdaalo ku tagay dhowr wasaaradood ayaa qaarkood ku dhaliilay inay shaqadooda gaabsi yihiin loona baahan yahay in kor loo qaado.
Kormeerka uu Gaas bilaabay ayaa waxay imaanaysaa xili qaar ka mid ah ciidanka Puntland ay ka gadoodsan yihiin mushahar la’aan afar bilood ah iyadoona arrintaasi ilaa iyo hada madaxda aysan war ka bixin.
Arinta la hadal hayo ayaa ah xaalada isbitaalka guud ee magalo madaxda Puntland oo mudadii ay jirtay dowladda Gaas aan la siin miisaaniyadii loogu talo galay oo gaaraysa $12.000 taasoo dhaawac ku noqotay howlaha caafimaad ee Isbitaalku uu shacabka siin jiray.
Shirka Gollaha wasiiradda Puntland oo dhacay Khamiistii 2.Luulyo 2014 ayaan wax hadal ah lagu soo qaadan xaaladaha kasoo baxaya Xabsiga Garowe,Isbitalada Garowe Gaalkcyo iyo gadoodka ciidanka 54-aad ee duleedka Garowe.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com