|

Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO ayaa booqasho ku yimid wadankani maraykanka gaar ahaan magaalada washington,dc

Washiton 21.April (SDN) Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO  ayaa booqasho ku yimid wadankani maraykanka gaar ahaan magaalada washington,dc .

Madaxwayne siilanyo safarkiisa maraykanka oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado wadankani maraykanka tan iyo intii  xafiiska loo doortay , madaxwayne AXMED SIILAANYO waxa uu sheegay in dawlada somaliland iyo maraykanka uu ka dhaxeeyo xiidhiidh saaxiibtinimo oo soo jiray ilaa 1960 waqtigii ay somaliland xornimada qaadatay ,xidhiidhkaasi oo ku bilaabmay markii dawladii madaxwayne  Eisenhower ee waqtigaasi ay somaliland u soo dirtay telegram ama fariin rasmi ah oo ay ugu hanbalyaysay xoriyada somaliland sandkii 1960-kii.

safarkani madaxwayne siilanyo waxa uu qayb ka yahay dedaalka uu madaxwayne SIILANYO oo ugu jiro sidii ay  xukuumada somaliland ku heli lahayd aqoonsi caalemi ah oo ay ka hesho wadamada caalamka , iyadoo hada ay somaliland tahay wadan nabdoon oo dimuquraadiyadu ka hano qaaday.

Wakiilka jamhuuriyada soamaliland u jooga wadanka maraykanka mudane RADHIID GAARUF  oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in madaxwaynuhu uu joogi doono mudo todobaad ah waxana uu la kulmi doonaa madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada iyo wasaarada gaashaandhiga ,waxa kale oo uu la kulmidoonaa mudanyaal ka tirsan golaha wakiilada iyo senetka, madaxwayne siilaanyo waxa uu qudbad balaadhan ka jeedin doonaa xarunta la yidhaado THE ATLANTIC COUNCIL oo ay ka soo qayb gali doonaan madax sar sare oo ka tirsan dawlada markaykanka ,madaxwayne siilaanyo waxa kale oo la kulmi doonaa madaxda hayada USAID ee kaalmada dibada qaabilsan ,sidoo kale madaxwayne siilaanyo waxa la filayaa in uu la kulmo jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan wadan kani maraykanka .

madaxwaynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinayay oo ka soo raacay magaalada london marwada koowaad ee somaliland ,wasiirka arimaha dibada maxamed c/laahi cumar, iyo wasiirka madaxtooyada xirsi cali xasan

waxa kale oo iyaguna soo gaadhay magaalada washington wafti wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka qurshaynta ,sacad cali shire ,wasiirka macdanta iyo biyaha xuseen cabdi ducaale ,iyo wasiiru dawlah maaliyada cismaan saxardiid cadaani

Washiton SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed