|

Madaxtooyadda Somaliland oo Ku Margatay inay Cadayso Hal Xil oo Laba Mas’uul Madaxweynuhu u Wada Magacaabay

Hargaysa 24.Dec 2015 (SDN/QJ):-  Madaxtooyada Somaliland ayaa Jawaab aan Cadayn ka Bixisay Laba Mas’uul oo Xil qudha uu Madaxweyne Siilaanyo u wada magacaabay.

Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr”Sida lagu sheegay Qoraal uu ku Saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr” Wuxuu Meesha ka saaray inaanu Madaxweynuhu Hal Xil oo isku Mid ah u wada Magacaabin laba Mas’uul.

Qoraalka afhayeenka ayaa u dhignaa Sidan “Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku cadaynayaa in, Abdisamad Cumar Maal, oo ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah, in si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay ku simaha, garyaqaanka guud ee Qaranka, ka dib markii garyaqaankii guud ee qaranku Mudane Ibraahim Iidle Saleebaan uu deeq Waxbarasho oo “Sannad iyo Badh ah”uu ugu baxay Dalka Koonfur afrika.

Sidaa darteed, Af-hayeenka Madaxweynaha JSL, wuxuu qoraalkan ku caddaynayaa in aanay jirin hal xil oo isku mid ah oo uu Madaxweynuhu u magacaabay laba masuul oo kala duwan.

Ugu danbayntii, Mudane Fahmi Cabdi Bidaar ayaa ah La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah sidii ku cadayd warsaxaafadeedkii kan ka horeyey.

Hasa yeeshee Sida dhaqanka Dawladnimadu Sheegayo Nin Mas’uul ah oo Xil haya Marka Meel Ku Sime loogu sii Magacaabo Macnaheedu ma aha in Xilkii uu hayay laga qaaday Hasa yeeshee Sida qoraalkani sheegay Cabdi-samad Cumar Maal Waxaa loo Igmaday inuu ku sime u ahaado Garyaqaanka Guud ee qaranka Ibraahin Iidle Saleeban , Waxaa taas raacday in Xilkii rasmiga ahaa ee uu ku Magacawnaa loo Magacaabay Fahmi Cabdi Bidaar oo Noqonaya La Taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah,Sidoo kale Madaxtooyadu May Cadayn in Cabdisamad Cumar Maal Gebi ahaanba laga qaaday Xilkii uu ku magacnaa,Maadaama kan uu hada hayo uu yahay Ku sime ku Meel gaadh ah inta uu soo noqonayo Garyaqaankii Guud ee qaranka.

Cabdi Samad Cumar Maal oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa dabayaaqadii Bishii October Wuxuu Madaxweynuhu u Magacaabay La taliyihiisa Hay’adaha Caalamiga ah iyo Kuwa Maxaliga ah,Sidoo kale Fahmi Cabdi Bidaar oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Saaxil ayaa Madaxweyne Siilaanyo Habeen Sadexaadkii u Magacaabay isla Xilkii uu ku Magacawnaa Cabdi-samad Cumar Maal.

Comments are closed