|

Madaxtooyadda Somaliland ciidanka RRU ku wareejisay Guryaha Ilma Xashiish ee Dhinaca Bari kaga dhegsan Madaxtooyada

RRUHargeysa: Aug-13-2013(SDN)  Ciidan  Sida Gaarka u tababaran ee loogu talo galay Argagixisada ee RRU-da iyo SPU-da,  ayaa maalmahanba gaadh ka haya guryaha Ilma xashiish ee u dhaxeeya Madaxtooyadda iyo Aqalka Masaarida ee dhinaca bari kaga dhegsan.

 

Ilaa iyo Haatan ma jiraan cid si rasmi ah u og waxa ay ciidankani baadhayaan, Balse warar xog-ogaal ah oo aanu helnay ayaa muujinaya inuu jiro dareen shaki dhaliyey oo ciidanka ku kallifay inay baadhitaan aan kala joogsi lahayn ku hayaan aqalladaas ku dheggan Guriga dalka looga arrimiyo.

Warku waxa uu intaas ku daray in wali Ciidanka RRU-du haystaan amarka ah ilaalinta guryahaasi, kuwaas oo aan la garanay haddii la baadhay waxa keenay baahida ah ilaalintooda iyadoo ay joogaan Ciidankii Ilaalada Madaxtooyaddu.

 

Waa markii koowaad ee guryahaas la baadho iyadoo 22-kii sanno ee ay Somaliland jirtay guryahaas ay ku jireen dad shicib ah oo kiro qaarkood ugu jiraan, hase yeeshee waxa loo aanaynayaa wakhtigan cabsida jirta darteed in Ciidanku feejigo dheeraad ah u leeyihiin fal kasta oo lagu sugayo amaanka.

 

Aqalladan oo iyag iyo madaxtooyada uu dayr qudhi u dhexeeyo, ayaa la sheegayaa in si gaar ah uu shaki uga dhashay kadib markii ay noqdeen qaar kiro lagu galo, taas oo keentay shaki ah in kooxaha qaska wadaa  uga faa’iidaysan karaan hawlaha Argagixiso ee ay  ku hawllan yihiin.

Sababta keentay in ciidankii Madaxtooyada oo jooga, islamarkaana Heegan ah in haddana ilaalada aqalka madaxtooyada ku qabsan loo dalbado inay si joogto ah u ilaaliyaan ciidanka RRU-du, ayaa lagu sheegay kala badan  iyo guux sababay kalsooni darro oo derejooyinkii ka dhex dhaliyeen ciidanka ilaalada madaxtooyada.

 

Somalidiasporanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Comments are closed