Madaxtooyadda Oo Afka Ka Xidhatay Wax-Ka-Qabashadda Dilalka Ka Dhex Dhaca Ciidanka Qaranka Somaliland.
Hargeysa,20Aug,2015(QJ/SDN)-Tan iyo markii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Shaacisay inay Ciidamadda kala duwan ee Dalka ku taxday Tarajooyinkii Kala duwaanaa ee ay Mudnaayeen,ayaa waxa soo If-baxday Saluug xoogan oo qaar ka tirsan Ciidamaddu ka muujinayaan Nidaamka loo bixiyay Darajadda oo ay ku sbeegaan inay tahay mid aan cadaalad ahayn.Wakhtigaas ayaa waxa laysku dayay in arrintaas hoos loo eego,balse nasiib-darro ay may dhicin wax talaabo muuqato ah oo arrintaas laga qaaday,waxaana is-ka-soo daba dhacayay Cabashooyinka Saraakiisha Ciidamadda kala duwan ee Dalka ee ay Xukuumaddu darajooyinka ku taxday.
Haddaba,iyada oo xaal sidaas yahay ayaa waxa ciidanka ka dhex-dilaacay dhaqan ugub ku ah ciidamadda Xogga Dalka ah,waxaana dhacday inay Askar badani toogtaan Saraakiishoodda iyo Taliya-yaashooda ay la shaqeeyaan,waxaana halkaas lagu waayay Madax Ciidan oo aad u tiro badan,isla markaas si weyn loogu Oomannaa Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo,iyada oo ilaa hadda aanay dhacdooyinkaasi joogan,isla markaas-na ay tii ugu danbaysay ay Todibaadkii hore ka dhacday Gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga oo ay dhawr jeer Warbaahintu wax ka weydiisay dhacdooyinkan kusoo noq-noqonayay Ciidanka Qaranka Dhexdooda,ayaa si adag u sheegay in talaabo deg-deg ah Xukuumaddu ka qaadi doonto oo lagu joojinayo dhibka Ciidanka ka dhex jira,isaga oo marar qaarkiis-na ku tilmaamay inay dhacdooyinkani yihiin faro-galin dibadda ah.
Dhinaca kalena,Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda kale ee Qasriga ayaa iyagu haba yaraatee wax hadal ah aan laga ahayn oo ku aadam dhibaatadda kusoo noq-noqonaysa Ciidanka dhexdiisa oo Udub dhexeed weyn qarankan u ah.
Lamana garanyo halka ay falalkan ka dhex-dilaacay Ciidamaddu ay sal-dhigan doono