Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Madaxweyne SIILAANYO Wax Dhibaato Ahi Kasoo Gaadhin Dalka Turkiga
Hargeysa,16,7,2016 (QJ/SDN) – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ahi soo gaadhin Madaxweynaha Somaliland Md. Axnmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan dalka Turkiga oo Ciidamada dalkaasi isku-dayeen inay inqilaab xukunka dalka.
Sida aynu la wada socono waxa Dalka Turkiga caawa ka dhacay Inqilaab ay ciidamada dalku fuliyeen sida uu xaqiijiyey Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim,
Hadaba waxa halkaasi ku sugan oo xalay gaadhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo sidii aan hore u sheegay arimo shaqsi ah u tegay dalkaasi balse madaxweynaha wax dhibi kama soo gaadhin Arrinkaa waxaanu ku sugan yahay magaalo ka.durugsan Ankara iyo Istanbuul” ayuu yidhi Afhayeen Shamax oo qoraal kooban soo dhigay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook.