Madaxtooyada Somaliland Oo Shaacisay Inuu Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan Saxaafadda Hor Imaan Doono
Hargeysa:June,16,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horraysay shaacisay inuu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo kasoo hor muuqan doono saxaafadda, isla-markaana diyaar u noqon doono inuu ka jawaabo su’aalaha saxaafaddu qabto oo in muddo ah laga hortaagnaa.
Afheeynka Madaxtooyada Axmed Saleebaan oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu ugu horayn isagoo ka jawaabaya sababta saxaafadda looga horistaago inay Madaxweynaha su’aalo weydiiyaan uu yidhi “Qofka Weriyaha ahi waxa uu ugu jecel yahay inuu qofka madaxda ah wax waydiiyo, laakiin imika mays waydiiseen barigii hore saxaafaddu intaas way ka yarayd, Manay jirin warbaahinta Online-ka ah ee maanta halka ugu saraysa maraysaa. saxaafaddu in kooban ayey ahayd xataa inta wax weydiin jirtay way koobnayd, maantana bal u fiirsada waxa uu mashaakil naga qabsadaa isku daysta su,aalaha” ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul oo shir jaraa’id qabtay.
Afhayeenka ayaa ku dooday in su’aalaha madaxweynaha ay waydiinayaan suxufiyiintu yihiin kuwa caadifadi ka muuqato “Madaxweynaha Su,aasha la waydiinayaa waa inay wax soo kordhisaa, waa inay noqotaa mid ka turjumaysa dareen dhab ah waxaana iska jira su,aalo caadifadi ku jiraan.” Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyadu.
Afhayeenka ayaa wariyeyaasha u sheegay in dhawaan la qaban doono kulan madaxweynaha su’aalo lagu waydiiyo “Sidii uu wasiirka warfaafintu sheegay waxaanu samaynaynaa saaxad aad madaxweynaha ku waydiisaan Su,aalaha waxaana laydiinka baahan yahay inaad si masuuliyad ah isku soo xushaan.” Ayuu yidhi Mr Dhuxul
Dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland oo laga sugayay inuu xal u raadiyo hirgalinta heshiiskii asxaabta iyo xukumadda ee guurtidu is hortaagtay ayuu Afhayeenku sheegay inaanay wax masuuliyad ahi ka saarayn Xukumadda inay guurtida ku qanciso heshiiskan “Markii xisbiyada mucaaridka ahi ka biyo diideen mudo kordhintii guurtida, xukuumadu iyada oo u nasteexaynaysa wada jirka dalka iyo inaanay dalka dhibaato ka dhicin iyo inaanu khasaarin tacabka faraha badan ee aynu soo galnay iyo waxyaalo fara badan oo dalkan ku gadaaman una baahan in lagaga gudbo wada jirka mucaaridka iyo muxaafidka waxay mar walba u taagan tahay maslaxadu halkay ku jirto, iyada oo hormood u ah, ka dibna xisbiga Kulmiye iyo xisbiyada mucaaridka ahi is arkaan, walibana iyada oo muhiimad la siiyey xisbiyada mucaaridka ah ayey noqotay inay xalkii Decenber ay yidhaahdaan xukuumada waa inaanay waxba ka qabin.” Ayuu yidhi Afhayeenku
Waxa uu intaasi raaciyay inaanay xukumaddu samayn doonin wax ku qancin ah guurtida oo diiday in heshiiskaasi la meel mariyo “Anagu golaha guurtida cadaadis iyo wax u diidis midna kuma lihin, laakiin mawqifka xukuumadu waa kaas ay ku raaceen xisbiyada mucaaridka ah.”
SDN/QJ