|

Madaxtooyada Somaliland Oo Qoyska Reer Boobe Kala Masuugtay Inay uga Tacsiyadayso Midka mid ahaa Qoyskooda Oo Geeriyooday

Hargeysa:Mar,29,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa iska diiday inay tacsi u dirto Qoyska Reer Boobe Yuusuf Ducaale oo uu ka geeriyooday midka mid ahaa Wiilasha uu dhalay Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe).

boqrAqalka Madaxtooyada, ayaa afka ka xidhay inuu qoraal tacsi ah arrintaas ka sameeyo, isagoo meesha ka saaray  Qiimaha uu Mujaahid Buube Yuusuf Ducaale qaranka uga fadhiyo iyo waliba midda bani’aadanimo ah ah waajib saaran  madaxweynaha Somaliland.

Aamusnaantan, ayaa muujinaysa sida ay cuqdadii madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu ka qaadeen xurfuftii hore u dhexmartay Mujaahidka xilligii uu Wasiirka Warfaafinta ahaa oo wali ka guurin Maankooda, iyadoo taasina keentay inay la masuugaan Tacsida loo dirayo Marxuumka Geeriyooday Ehelkiisa.

Ma aha mujaahid Boobe oo kali ah Ehellada Geerida ku timi madaxtooyadu ka aamustay, balse waxa shacabku xasuusan yahay sidii ay madaxtooyadu uga aamustay Geeridii ku timi Hooyada dhashay madaxweynihii ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxana aamusnaanta tacsiyaha shakhsiyaadka xurgufta siyaasadeed lala soo maray caan ka noqotay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(boobe) oo haatan midkamid ahaa wiilashiisu geeriyooday, ayaa ay saaxiib isku dhaw soo wada ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo muddo dheer, waxase arrimuhu isbeddeleen markii uu mujaahidka oo Wasiirka Warfaafinta ahi ka gilgishay xad-gudub xubno Haweenka madaxtooyada ahi kusoo sameeyeen Shaqadiisa, waxana taasi keentay in isku dhac nacayb badan dhaliyey Halkaas ka dhasho.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed