|

Madaxtooyada Somaliland Oo Meesha Ka Saartay Amar Sirdoonka Dalku Ku Mustaafurinayey Abukar Qaad-diid, Una Fasaxday Inuu Sii Joogi Karo Inta Uu Doono

Hargeysa:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa meesha ka saartay Amar hore uga soo baxay Waaxda Socdaalka Dalka oo sheegayey in Abukar Cawaale Qaad-diid uu dalka kaga baxo sida ugu degdegga Badan, kadib markii lagu eedeeyey inuu Arrimo la xidhiidha Kooxda Khaatumo ku lug yeeshay.

qaad diidSida aanu ilo xog-ogaal ah ku helnay waxa ay Madaxtooyadu  ku warheshay Hadalladii Abukar Cawaale ka sheegay Warbaahinta markii Amarkaas la siiyey kadib baadhitaan iyo Su’aalo Laanta Socdaalku Weydiisay, waxana ay farogelisay Kiiskaas, iyadoo markii dambe amartay inaan Ninkaas laga saarin dalka.

Waxa La Faray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inaan Abukar Cawaale Qaad-diid oo  haysta Dhalashada Waddanka Britain  dalka laga mustaafurin karo oo uu inta uu doono uu joogi doono, isla-markaana uu wadan doono Barnaamijyadiisii caadiga ahaa oo qaarkood maanta muddaysnaayeen.

Warka Soo Gaadhaya Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in Madaxtooyadu si gaar ah Raalligelin ugu dirtay Muwaadinkaas lagu gefay, isla-markaana Saraakiil Madaxtooyada katirsan ugu tageen Hutelka uu deggen yahay, halkaas oo ay ugu sheegeen inaanay raalli ka ahayn waxa lagula Kacay.

Taliska Waaxda Socdaalka Somaliland oo  markii hore gees iskaga duway inuu Arrintaas ku lug lahaa, ayaa Markii dambe qaatay Amarka xagga sare kaga  yimi, waxana  ay ku wargeliyeen Abukar Cawaale inuu dalka sii joogi doono.

Dorraad ayey ahayd markii uu Abukar Cawaale Qaad-diid oo Somaliland u yimi Barnaamijyo ka dhan ah Qaadku uu Warbaahinta la Hadlay Xilli uu ilmaynayey, waxana uu sheegay in Waraysi dheer oo Saacado lala yeeshay kadib lagu wargeliyey inuu sida ugu degdegga Badan dalka uga Baxo muddo kooba, waxana ay Arrintaasi keentay dareenka shacabku ka bixiyaan Noqdo mid aan Wanaagsanayn.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed