|

Madaxtooyada Somalia Oo Beenisay Inay Saldhigyo Ciidan Siisay Huwanta Duullaanka ku Haysa Dalka Yemen

Muqdisho:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somalia, ayaa markii ugu horraysya ka Hadashay Wararka sheegay inay jiraan Saldhigyo militeri oo Badda iyo Berriga ah, kuwaas oo loogu deegay isbahaysiga weerarka ku Haya Xuutiyiinta Yemen.

aworAfhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys oo la Hadlay Idaacadda Goob-joog, ayaa sheegay inaanay jirin go’aan ay Dawladdu ku gaadhay inay Bixiyaan Saldhigyadaas, marka laga reebo taageerada afka ah ee ay siisay Weerarradaas lagu hayo Dalka Yemen.

“Waxaan filayaa in aanay jirin meel ay dowladda Soomaaliya ka sheegtey arrintaasi, tan kaliya oo ay sheegtey waa in ay taageereyso go’aanka jaamacadda carabta” ayuu yidhi Daa’uud Aweys.

Afhayeen Daa’ud oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi,“Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu taageerey go’aanka Jaamacadda Carabta kaasi oo ah in madaxweynaha Rasmiga ah ee Yemen uu yahay mudane Haaddi oo hadda ku sugan dalka Sucuudiga, marka madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si toos ah u taageerey mowqifka jaamacadda carabta ee ku aadan dalkaasi Yemen, halkaasi oo uu dalka Sucuudiga ka bilaabay hawlgal ay jaamacadda Carabta raali ka tahay”.

Dhanka kale afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegey in madaxweynaha Soomaaliya uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ka codsaday in dalka Yemen laga daad gureeyo kumanaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku go’doonsan, waxana uu yidhi, “Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu codsaday in qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen jooga laga soo daldalo”.

Dhawaan ayey ahayd markii warbaahinta Soomaalidu baahiyeen warar sheegayey in madaxweynaha Somalia ogolaaday inuu Isbahaysiga hujuumka ku haya waddanka yemen siiyey Saldhigyo ay ka duuli karaan, kuwaas oo intooda badani ku yaalliin Magaalo xeebeedyada Puntland iyo Somaliland.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed