|

Madaxtooyada Oo Qaylada Ka Dhanka ah Wareejinta Keydka Haamaha Berbera Ku Macnaysay Mid Qabyaaladaysan

Hargaysa:Sep16,2015(SDN/QJ)-Kadib qaylo-dhaan si taxane ah uga taagnayd wareejinta xukuumadddu la doonayso Keydka Haamaha Berbera, ayey Madaxtooyada Somaliland markii ugu horraysay u fasirtay Mucaaradad qabyaaladi hoosta ka riixayso.

xuuAfhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo saxaafadda la hadlay, ayaa wareejinta Keydka Shidaalka Berbera ku tilmaamay mid madaxweynuhu waajib u leeyahay, isla-markaana loo gacan gelinayo muwaadiniin reer Somaliland ah,

“Waxa fiican inay Siyaasiyiinta dalkan qaarkood  iyo Xisbiyada Mucaaridku ka koraan hagardamaynta aan iyagana waxba u kordhinayn dalkana hantaaqada ku ah ee ay ku kala qaybinayaan ummadda. Haamaha Shidaalka wuxuu Madaxweynuhu talada qabtay iyadoo TOTAL haysato, wuxuu u arkay in aanay shacabka iyo dalka dani ugu jirin, haddii Maanta sherkadihii waddanka ugu waa weynaq oo Muwaadiniinta ah,  oo waliba ka koobaan Guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, ay yidhaahdeen waanu maal gashanaanayna  oo halkay maanta joogaan meel ka mugweyn ayaanu ka dhigaynaa, wax khilaaf keena iyo wax qaylo afka la qabsado mdina meesha may oolin. Madaxweynuhu ma qaadanaayo Haamaha Shidaalka, cid shishiiye ahna kuma wareejinaayo. Dadka leh waa inay dawladdu gacanta ku hayso waa shakhsiyaadka shacbiga khaldaaya, mar kasta dawladda ayaa gacanta ku haynaysa, markasta dawladda ayaa xafidaysa oo ilaalinaysa, markasta dawladda ayaa masuul ka ah oo maa mulaysa, dawladda ayaa muwaadin kasta u damaanad qaadaysa inuu wax ku soo dajin karo kuna shibi karo, Sherkadahani way maal gashanayeen uun, maalgashigu mid dabadeed uun maha ee Muwadiniinta ayaa ugu mudan, waana maandhaydka iyo awooda Xukuumadda, inay hantida dalka kirayn karto ummadana uga faa’iidayn karto. Bakhaarada Injida ee Berbera  ee Xukuumaddu kiraysay ee hadda Tijaartu ku jiraan iyo Haamaha Shidaalku isku mid weeye. Horta marka muran jiray iyo wax qaylo laga muujiyo ma aragto Madaxtooyaddu”. Ayu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeen Dhuxul oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,

“meel mawada galaan Musuq Maasuq iyo horumarku, marka dad gaara oo aan dalkan u danayn ayaa waxaas waday oo fawdada guul u haysta, Qaranimada ayaa wax ilaalisa ee qofnimada iyo Qabiilku waxba ma ilaaliyaan waxbana kuma dhawr maan. Mida xaqiiqda ahina waxa weeye dalkani Beelo walaalo ah wuu ka koobanyahay, dhammaan beelahaasi waxa dhex u ah Qaranimada, meelna mawada galaan Qabiil iyo Qaranimo,beel meel ka xigta beel kale ma jirto nin Madax ah oo meel kamid ah dalka Somaliland loogu hanjabi karaana ma jirto, kuwa waxaas guusha ka dhiganaaya iyo abtirsiinyo loo kala yeelo shacbiga waa qaar tariikhdu xusi doonto. Madaxweyne Silaanyo wuxuu haybada alle ugu barakeeyay isku wadka ummadda oo uu markasta noloshiisa ka shaqaynaayay oo calaamad u ahayd, maha qofku inuu dantiisa hoose dalka dhibaato u soo gaadhsiiyo, dhulkan Somaliland illahay cidda ku dhaqan wuu ku wada abuuray ilaa Qiyaamahana way ku dhaqnaanayaan marka kuwa waxaas wada, haday Xisbiyada Mucaaridka yihiin iyo haday cidda gaar gaar ah yihiinba oo meelo sheeganaysa Guul ku gaadhimayaan, Shacabkuna wuu ogyahay Muqaalka Isbadal ee Madaxweynuhu dalkan ku sameeyay, Maalintii uu Talada Qabtay siday Berberi u eekayd waa la wada garanayaa maantana isbadalka horumar ee ku yimi, haday Madaar tahay, iyo haday Deked tahay iyo haday Magaalada tahayba waa miday shacbigu ogyihiin.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed