Madaxtooyada Oo Ku Daba Jirta Ciddii Samaysay Istiikarro Musharraxnimada Muuse Biixi Lagu Shaacinayo Oo Baabuur Loo Xidhxidhay
Hargeysa:May,30,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Wax Xuraama ee Dhar-cadda loo yaqaanno ayaa ilaa iyo shalay ku raad joogay Goobaha lagu sameeyey Istiikarro lagu muujinayo Musharraxnimada Muusu Biixi oo tiro ka mid shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay suuqyada la marayeen.
Istiikarradan ayaa waxa loo xidhxidhay Gaadiid ay ku dhejisnaayeen, kuwaas oo aan la garanayn sababta keentay xadhigooda, balse loo sheegay in lagu haysto warqadda musharaxnimada Muuse in loo xidhxidhhayo.
Ciidanka dhar-cadda ah ayaa si weyn ugu wareegaya Meheradaha wax daabaca ee samayeea Istiikarrada noocan oo kale ah, walise ma ay helin goobtii lagu sameeyey Waraaqahaas.
Madaxtooyada ayaa dagaalka ay waddo ku darsatay in la xidho cid kasta oo iyadoo aan ku dhawaaqin muujisa Taageerada Muuse walaw uu shacabka caadiga ah ka mid yahay.
Tallaabooyinkaas lagu daba galayo Goobaha sameeya Istiikarrada Musharaxnimada Muuse Biixi ku qoran tahay, ayaa ay wariyayaal ka tirsan Bahda Qurbejoog ku arkeen Caasimadda Badhtankeeda.
Shacabka caasimadda iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland ku dhaqan ayaa il gaar ah ku eegaya Tallaabooyinka ay xukuumaddu ku mijo xaabinayso Xisbigga Kulmiye oo ah kii ay Kursiga ku fuushay, mana muuqato wax ifafaale ah oo keeni kara in la isu tanaasulo.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com