Madaxtooyada Oo Ka Gam’I La’ Dhaliishii Aareeye Iyo Masuulkii Saddexaad Oo Lagu Khasbay inuu Jawaab Bixiyo
Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtooyada somaliland, ayaa Wali ka Seexan la’ Hadallo kulkulul ooh ore Xildhibaan Aareeye ugu jeediyey madaxweyne Siilaanyo oo haatan aanu xidhiidhkoodu fiicnayn.
Maalin kadib ayey ahayd markii afhayeenka Madaxtooyadu Bixisay jawaabtii ugu horraysay ee lagu dirayo Cali Aareeye, balse waxa la arkay inaaanay jawaabtaas oo uu bixiyey afhayeen dhuxul aanay gaadhin halkii la rabay, taas oo sababtay in laga fikiro in cid kale jawaabo.
Maalintii shalay waxa si wada jir ah jawaabtii labaad iyo middii saddexaad si darrandoori ah u kala bixiyey wasiir ku-xigeenka wasaaradda caddaalada iyo Garsoorka somaliland iyo waliba badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Awdal oo ay isku beel yihiin Aareeyee, kuwaas oo hadalo dhiif leh hawada u mariyey mudanahaas hore u naqdiyey hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo.
Nuur Cismaan Guuleed,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo arimaha garsoorka ayaa Madaxweyne Siilaanyo u saxaafadda uga sheegay inuu xaal kasiinayo hadalka xildhibaanka oo isagu hore u saluugay hannaanka uu madaxweynuhu talada dalka u wado,
“Niman ka tirsan Golaha Baarlamanka ee sharci-dejinta oo uu ka mid ahaa ninka la yidhaa Cali Xaaji Aareeye oo aannu isku degaan ka soo jeedno oo hadlay maalin dhawayd, waxyaabihii gafka iyo cayda ahaa ee Cali Aareeye ka sheegay Madaxweynaha Somaliland maaha wax uu gayo, waanuna ka xaal siinaynaa ee raali ha naga ahaado, wax uu gayo iyo wax u dhaw toona maaha Madaxweynuhu.” Ayuu yidhi Wasiir xigeenka oo warbaahinta la hadlayay
Wasiir Xigeenku waxa uu Xildhibaan Aareeya ku dhaliilay waxqabad la’aan “Cali Aareeye waxaan leeyahay inaadeer degaanka aad ka soo jeedaa wuxuu leeyahay baahiyo badan, isagaana ku soo doortay, waxa laguu soo dirtayna laba qodob uun weeye, midi waa golahaad ka tirsantahay ee sharci-dejinta ah inaad hawl ka qabato oo qaranka uga shaqayso, ta labaadna in degaankii aad ka soo jeeday baahiyihiisa u sheegto xukuumadda oo tidhaah waxyaas bay u baahan yihiin oo codsi iyo wax u waydiiso,”
Madaxtooyada somaliland ayaa caan ku ah inay guntado oo aanay ilaawin hadaladda dhaliisha ah ee kaga yimaadda dadka ay kala aragtida yihiin, waxana ay ku dedaashaa in cid kasta oo jawaab naqdin ah siisa loo sameeyo cid ay isku qabiil iyo isku deegaan yihiin oo jawaab waafi ah siisa.
Xildhibaan Aareeye, ayaa dhawaan madaxweynaha ku dhaliilay hannaanka uu ugu lug leeyahay khilaafka wakiillada iyo sida uu u daawanayo kooxda tirada yare e meesha daran ka tuurtay masiirkii umadda isaga dooratay, waxana uu u soo jeediyey inuu xilka iska casilo haddii aanu dhaqankiisu isbeddel yeelan Karin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com