Madaxtooyada Kenya oo lagu eedeeyey inay jabsadeen Emailki R/wsaare Raila Odinga.
Nairobi: 7-Aug-2013 (SDN)Xogheynti R/wasaarihi lagaga adkaaday doorashadi sanadkan ee dalka Kenya STEPHEN MUDIARI ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Maanta waxa uu ku eedeeyey madaxtooyada Kenya inay jabsadeen emailki uu R/wasaare Raila ugu shaqeyn jiray .
Waxa uu sheegay in Emailka ay ku jiraan macluumaad badan oo ku saabsan shaqadi ay soo qabteen iyo hawlo kale oo ay ku guda jireen, sidaas daraadeed ay daaladdu rabto macluumaadkaas inay hesho oo ay wax ka ogaato.
“Waxaan u sheegayaa asxaabteyda dhamaan in ay iska inkiraan Emailada uga imanaya accontigeygii hore waa la Jabsaday , waa ogahay waxa ay odhan doonaan waxaan helnay macluumaad muhiim ah laakin waxba kama jiri doonaan”ayu ku yidhi bartiisa facebooka STEPHEN MUDIARI
Dagaalka u dhaxeeya madaxweynaha dalka Kenya Raila iyo R/wasaarihi hore ee uu doorashada kaga adkaaday, ayaa wali ah mid taagan oo ay muuqaneyso calaalamidihiisa, mana jirto cid garan karta halka uu ku biyo shuban doono yoo-yootankaasi.
Somalidiasporanews.com