|

Madaxtooyada Afgaanistaan oo sheegtay in weerar dhawaan dalkaas ka dhacay ay ka danbeeyeen Sirdoon shisheeye

Kabul Mar 24,2014(SDN)-War ka soo baxay madaxtooyada dalka Afgaanistaan ayaa lagu sheegay in weerar dad ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay casimada dalkaasi in aaney ka danbeynin kooxda Taliban.

Weerarka oo ahaa mid lala eegsaday Hotel  ku yaal caasimada Kabul oo ay ku dhinteen sagaal ruux oo caruurina ay ku jiraan ayaaney ilaa iyo haatan cidi sheegan.

Warkan ka soo baxay madaxtooyada dalka Afgaanistaan ayaa lagu yiri in weerarka  aaney kooxaha Talian kaba warheyn.

Afgaanistaan ayaa hore dhawr jeer ugu eedeysay in sirdoonka dalka Pakistaan ay khalkhal amaan dalkooda ka wadaan.

SDN-Kabul

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed