|

Madaxii Laanta Afka Somaliga ee Idaacada BBC C.raxmaan Koronto oo Guud ahaan iska Ruqseeyay Shaqadii Idaacadaas

London 21.June 2016 (SDN/QJ):-Madaxii laanta afka Somaliga ee Idaacada BBC C.raxmaan Koronto ayaa shaaciyey inuu si buuxda uga Tagay Shaqadii uu ka hayay Idaacadaas Mudo ku siman 16 Sanno.

C.raxmaan Koronto

        C.raxmaan Koronto oo uu Waraysanayo Weriye Bidhaan

Sidaas Wuxuu C.raxmaan Koronto ku Shaaciyey Dagalka uu ku leeyahay barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook isagoo arrintaas ka hadlaya Waxa uu Yidhi “Maanta (Shalay) ayaa iigu dambaysay shaqada BBC, iyadoo aan iska casilay dhowaan kadib muddo 16 sano ah oo aan ka shaqaynayay.

Mudadii aan joogay waxaan soo noqday Tifaftiraha barnaamijyada, soo saare sare, soo saare barnaamij.

Waxaan soo saaray barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin cayaaraha oo aan goobo kala duwan ka soo warammay sida cayaarihii commenwealth-ga Manchester, Cayaarihii Africa 2004 ee Tunisia.

Shirka bini’aadaminimada caalamiga ah ee Istanbul, ayuu ahaa shirkii ugu dambeeyay ee aan BBC uga soo warammo. Shirkii Empaghathi ee lagu soo dhisay dowladda ku meelgaarka ahayd ee 2004 iyo kuwo kale oo caalami ah sida kuwii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland ee ka dhacayay dalka Turkiga.

Dalalka aan ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Tunisia, Germany, Sweden, Uganda, Koonfur Africa iyo dalal kale.

Sagootintii Qaybaha BBC ee Koronto

                         Sagootintii Qaybaha BBC ee Koronto

Dadka aan waraystay waxaa ka mid ahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ra’iisul wasaaraha Uganda, Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo madax ka horaysayba sida Cabdullaahi Yuusuf, Cabdiqaasim Salaad, Sheekh Shariif iyo hogaamiyayaal kaleba.

Waxaan sameeyay barnaamijyo taabanaya dadka danyarta ah oo ka hadlaya dhibaatooyinkooda. Waxaan marka muhiimadaydu ahayd dhexhdexaadnimo iyo saxaafad wanaagga ka shaqaysa.

Waxaan qayb ka noqday madaxdii BBC ee doorka ku lahayd raridda barnaamijyada idaacadda BBC ee magaalada Nairobi, inkastoo qaar ay dhiman yihiin.

Waxaan BBC uga tagay saaxiibaday aan wada shaqaynaynay, waxaanan ka rajaynayaa in ay sii wadi doonaan wanaagga iyo u shaqaynta ummadda Soomaaliyeed.

Sida lagu Sheegay Boga Laanta Somaliga ee BBC ku leedahay Facebook C.raxmaan Koronto isaga ayaa goostay inuu Shaqada ka tago.

Comments are closed