|

Madaxii hay’adda nabad-sugidda qaranka oo xilka laga qaaday laguna eedeeyay Xilgudasho la’aan

Muqdisho 07.Sep 2014 (SDN/QJ)- Madaxii hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa laga qaaday xilkii uu hayay, isagoo lagu eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadka loo igmaday.

Sanbaloolshe-207x300 (1)Shir uu yeeshay golaha wasiirrada oo uu guddoominayay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xilka looga qaaday Sanbaloolshe oo horey u ahaan jiray danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Britain.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay xil-ka-qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe oo xilka hayay muddo ka yar labo bilood.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ciidanka hay’adda nabad-sugidda qaranka ay habeenkii Sabtida xireen labo idaacadood oo madax-bannaan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sidoo kalena xabsiga u taxaabeen saddex weriye.

Idaacadaha Kulmiye iyo Simba ayaa albaabbada la isugu dhuftay kaddib markii ay tebiyeen warar la xiriira hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab.

Hay’adda nabad-sugidda ayaa horey uga digtay warbaahinta Muqdisho tebinta wararka la xiriira Al-Shabaab.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed