Madaxdhaqameed Ku Baaqay In Maxkamad La Soo Taago Gacan Ku Dhiiglayaashii Dilay Taliye Caseyr
Ceerigaabo 28 March, 2016-(SDN/QJ):– Madaxdhaqameedka beesha galbeedka gobolka Sanaag, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay alle ha u naxariistee dilkii taliyaha qaybta gobolka Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf (Casayr), si dhaqso ah maxkamad loo soo hortaago, isla markaanna waajibaadkooda sharciga ah la mariyo.
Madaxdhaqameedkan waxay walaac wayn ka muujiyeen siday wax u waddaan gudida xukuumaddu u saartay baadhida iyo ka hawlgalida cidii ka dambaysay dilka taliye Casayr, waxayna sheegeen in beel ahaan wixii ay xukuumadda ku kala yimaadeen ay wali dhawrayaan, balse xukuumadda dhinaceeda ay walaac wayn ka qabaan siday wax u waddo.
Madaxdhaqameedka oo shirjaraaid ku qabtay hoolka Mahuraan ee magaaladda Ceerigaabo ayaa isagoo arrimaha ka hadlay waxay yidhaahdeen“Arrinka aynu halka isugu nimi, oo ku saabsan dilkii foosha xuma ee ka dhacay berbera ee lagu dilay taliyihii qaybta booliska Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed (Casayr), oo gacan ka xaqdarani dishay”
“Anigu waxaanu ahayn qoladdii tagtay berbera, ee hawsha u tagtay. Markii aanu halka tagay xukuumaddii Somaliland waanu isu nimi ilaa madaxweyne ku-xigeenkii ilaa wasiiraddii, waxaad mooda hawshii lagu balamay in aan waxba iska bedelin. Hase-yeeshee halkii dawladda waxbaanu ka dhaliilaynaa, waxaanu dhaliilaynaana waxa weeye xawligii socodka hawsha oo liigaya.”