Madaxda Xisbiga Waddani oo Sucuudiga Ka Codsaday inuu Xayiraada ka qaado Xoolaha Kana Dalbaday inuu doorkiisa ka qaato Gurmadka abaaraha Somaliland ka Taagan
Nairobi 18. December 2016 (SDN/QJ):-Safaaradda ay dawladda boqotooyada Sucuudigu ku lee dahay dalka Kenya, ayaa balan-qaaday in ay xayiraada ka qaadayso dhoofka xoolaha Somaliland ee la joojiyey, waxaana ay xuseen in ay si deg-dag ah khubaro caafimaad ugu soo diray gudaha Somaliland, ka dib kulan ay si wada-jir ah u wada qaateen weftigii Xisbiga WADDANI ee uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo safiirka boqortooyada Sucuudiga u qaabilsan safaaradda ay ku lee yihiin dalka Kenya sida oo kale na uga wakiil ah arrimaha Somaliland iyo Somaliya.
Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna Halkaasi Ka Hadlay ayaa Yidhi “Waxaanu Sucuudiga la yeelanay kulan muhiim ah, waxaana na qaabilay safiirka Sucuudiga ee Kenya iyo ninka u qaabilsan Somalida, waxaanan kala hadalnay xoolaha ay joojiyeen iyo sidii ay gurmadka abaaraha uga qayb qaadan lahaayeen.” ayuu yidhi Xirsi, waxaanu sheegay inay balan qaadeen inay ka hawlgeli doonaan sidii dawladoodu u fasixi lahayd xoolaha, waxaanay murashaxa Waddani Md. Cirro oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha wakiilada ka codsadeen inuu soo qoro qoraal codsi ah oo ku socda boqorka dalka Sucuudiga kaas oo ay iyaguna safaarad ahaan ku lifaaqi doonaan talo ay ku soo jeedinayaan in xoolaha xayiraadda laga qaado, “Arrinta abaaraha waxay yidhaahdeen waxaanu hadda wefti u dirnay magaalada Hargeysa, waxaanan soo diraynaa gurmad caawimo ah, qoraalka aad ku dalbanaysaan xayiraad ka qaadista xoolahana, waxaanu u gudbinaynaa Riyaad.”
Geesta kale, safiirka safaaradda Sucuudigu uu ku lee yahay dalka Kenya, waxa uu weftiga WADDANI u xaqiijiyey in si deg-dag ay uga hawl-galayaan sida oo kale na ay baadhitaan ku samaynayaan sababta keentay in la joojiyo Xoolaha Somaliland, waxaana uu xusay in ay khubaro dhakhaatiir ah oo ku takhasustay dhinaca xoolaha ay u soo diri doonaan gudaha Somaliland isla mar ahaantaana ka dib baadhitaankaas caafimaad ee Xoolaha ay ku go’aan qaadan doonaan isaga oo dhinaca kale na xusay in boqotooyada Sucuudigu ay si deg-dag ah gurmad uga geysan doonto abaaraha ka taagan Somaliland.
Geesta kale, wuxuu hoggaamiyaha xisbiga Waddani ka waramay kulan ay shalay weftiga Waddani la yeesheen safaaradda Maraykanka, waxaanay kulankaas kaga wada hadleen arrimaha abaaraha iyo sidii Maraykanku uga qayb qaadan lahaa, waxaanu sheegay in Maraykanku balan qaaday inay ka qayb geli doonaan gurmadka ahaaraha iyo inay Sucuudiga ku qancin doonaan inuu xoolaha xayiraadda ka qaado.