|

Madaxda Wargeyska Haatuf Oo Lagu Wado In Maanta Markale Maxkamadda La Horkeeno

Hargeysa:June,01,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Xayiran ee Haatuf, ayaa lagu wadaa in Maanta markale maxakamadda Gobolka Hargeysa la Horkeeno si loo amba qaado dacwadda loo Haysto.

timihiiiiMasuuliyiintan oo  hore u xidhnaa muddo ku dhaw 20-maalmood, ayaa Haatan Dammiin ku jooga Magaalada, waxana maanta loo Ballansan yahay sidii mar kale  loo dhegeysan lahaa Dacwadda ka dhanka ah ee lagu eedeeyey.

 

Guddoomiyaha  Wargeyska Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa lagu wadaa in Halkaas maanta su’aalo badan lagu weydiiyo, iyadoo qareeno uu qabsadayna ay diyaar u yihiin difaacii ay ka geli lahaayeen eedaha loo Haysto.

Eedaysanayaashan oo loo Haysto Dacwado badan oo la xidhiidha warar lagu sheegay kuwo been abuur ah oo wax yeelaya xubno masuuliyiin ah oo ka tirsann Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo dhibanayaal ka ah dacwadda, isla-markaana inta badan Goob joog ah habsami-u-socodka Dacwadda oo ay doonayaan inay ka gun gaadhaan.

Masuuliyiinta ayaa hore u sheegay in dacwadda lagu haystaa ay qalooc badan gashay, isla-markaana cadaadis iyo mushkilad badan lagu hayo oo garsoorku u xaglinayo dhinaca masuuliyiinta Dawladda.

Lama filayo in Maanta ay maxkamaddu ay Go’aan  ka soo saarto Dacwadda loo Haysto, waxase la filayaa in su’aalo badan laga weydiiyo dacwadda loo Haysto, iyadoo dhinaca kalena La filayo in xubnaha dhibanayaasha ah, gaar ahaan wasiirrada midkood Halkaas Maanta uu dacwaddiisa ka Akhriyo, isla-markaana lagu weydiiyo wixii su’aalo ah ee Maxkamadda iyo qareenadaka  ka soo horjeedaaba uga baahdaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed