Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa maanta laga talaalay nuuc cusub oo Talaalka cudurka Dabeysha ah
Muqdisho 11 June (SDN) Munaasabad daaha looga rogayay Talaalka dadka weyn ee nuuca cusub ee dabeysha ah oo awal caruurta laga talaali jiray, ayaa hada la sheegay in dadka waa weyn laga talaalayo, waxaana lagu bilaabay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlay talaalkan cusub ayaa sheegay in noocan cusub ee cudurka dabeysha uu yahay mid aan lagu aqoon jirin Soomaaliya, isla markaana ay garawsadeen in olole caalami loo galo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid ugub ah oo loo baahan yahay in loo midoobey, isla markaana la is talaalo, waxaana uu xusay in talaalka cusub ee dadka waa weyn ee laga helay Soomaaliya loo baahan yahay in loo duubto, isla markaana ay iyaga bilaabayaan, isagoo intaa ku daray in maalinta berri la talaalayo dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya la soo gaarsiiyay arrintan, isagoo ku baaqay in aan la xumeyn oo dadka oo dhan wada qaataan, isla markaana hadii ay yihiin madaxda dowladda ay qaadayaan.
“Aniga ayaa bilaabaya tallaalka si aan shacabka u tusno in tallaalku uu faa’iido yahay oo aan wax dhib ah keeneynin isla markaana badbaadin kara in cudurka halista ah ee Dabeesha ay ku dhacdo qofka. Cudurkan halista ah ee Dabeesha ka hortag buu leeyahay oo ma laha daawo, tallaalkii aan uga hortagi laheyna waa naloo keenay ee aan u midowno inaan is wada tallaalno, ugana mahadcelino beesha caalamka iyo QM oo noo keenay tallaalkii ka hortagga cudurka Dabeesha”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Munaasabad ay soo diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xoojinayo muhiimadda tallaalka Dabeysha oo Soomaaliya ay ka mid noqotay 4ta waddan ee Adduunka laga helay cudurka dilaaga ah ee Dabeysha.
Wasiiradda Arrimaha Bulshada Marwo Maryam Qaasim oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtey in 2007 laga cirib tiray cudurkan dilaaga ah Soomaaliya, ha yeeshee la arkay dad Soomaaliyeed oo uu cudurkan ku dhacay, iyadoo ku dhawaaqday muhiimadda tallaalka oo ka hortag u noqonaya cudurkan halista ah oo naafeeya shaqsiga uu ku dhaco. Muqdisho (SDN)
Qurbejoog.com