Madaxda Soomaalida oo aan dhulkooda ku kulmi kareyn hadana saf dheer Jigjiga la isgu geeyay
Jigjiga Dec 09,2013(SDN)-Madaxda degaanada Soomaalida ee geeska Africa ayaa gebi ahaantood farta loogu yeeray todobaadkan si ay uga wada qeybgalaan munaasibad dalka Itoobiya looga yaqaan debaadega Qowmiyadaha.
Madaxda Soomaalida dalka ay doonaan ha ka arimiyeen ayaa waxa aan suurtogal aheyn in ay ku kulmaan mid ka mida degaanadooda mudo haatan laga joogo dhawr iyo labaatan sanadood.
Waxaase haatan ay gebi ahaantood isugu tageen magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka Soomalaida Itoobiya si ay uga qeybqaataan sanad guuradii 8aad ee debaadega qowmiyadaha Itoobiya.
Waxa warbaahinta caalamka ka soo baxay tiro madaxda Soomaalida oo saf dheer is garab fadhiya balse u muuqda in aanu midna ka kale arkeyn oo hore uun eegaya.
Lama arkeyn iyaga oo wada hadlaya ama is xaal wareysanaya,waxaanu u muuqday mid kasta oo ka mid ahi in uu cid kale ku qancinayay ka qeybgalkiisa debaal dega.
In mudo ahba waxa ay xeel dheereyaal faro badani qabeen in kala maaga Soomaalida ee semenkan ay Itoobiya ka danbeyso,sawirada ka soo baxaya Jigjiga waxa ay muujinayaan in isu imaatinkoodana aaney suurto gal noqoneyn hadaan Itoobiya raali ka aheyn.
Maxaa hortaagan in ay Muqdisho,Hargeysa, Garoowe ama Kismaayo ragani isku arkaan mar hadii jigjigaba ay ku kulmi karayaan.
SDN-Jigjiga
contact@somalidiasporanews.com