|

Madaxda sare ee xisbiga mucaaridka ah ee ARD oo isugu tegay Obock,maxay tahay sababtu?

Obock Mar 08,2012(SDN)-Madaxda sare ee xisbiga mucaaridka Jabuuti ee ARD ayaa isugu tegay Magaalada qadiimiga ah ee Obokh.

Madaxda ARD oo hore u shaaciyay in ay isu soo baxyo k adhan ah xukuumada Jabuuti ku qabanayaan dhamaan degaanada dalku ka kooban yahay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada.

Sidoo kale ARD ayaa inta madaxdiisu ku sugan tahay Obock waxa ay wada tashiyo la smaeyn doonaan taageerasha xisbiga sidii loo dhisi lahaa dalad mucaaridka Jabuuti oo dhami ku midoobo.

ARD ayaa degaanada kale dalka uga gudbi doona Obock si markaa ay u muujiyaan isbedelka dhabta ah ee dalku u baahan yahay,sidaana madaxda xisbiga ayaa saxaafada u sheegay.

SDN-Obock

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed