Madaxda sare ee Somaliland oo maanta qaadhaan u ururiyay mashruuca biyo xidhheenka Itoobiya
Madaxweyne ku xigeen Jsl, Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici
oo ay Wahelinaayen wasiirada madaxtooyada Xirsi Cali Xaashi Xasan, hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade, duulista iyo hawada Maxamud Xaashi Cabdi ,kaluumaysiga C.laahi Jaamac Cismaan Geel jire iyo Wakiilka Itoobiya U fadhiya Somaliland,ayaa ka qayb galay Xaflad qaadhaan
loogu Ururinyay Biyo Xidheen laga dhaliyo laydhka ee Dalka Itoobiya
kaasi oo korontadiisa la soo gaadhsiinayo somaliland Mustaqbalka.
Madaxweyne ku xigeenka somaliland oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in somaliland ay u tahay Maalin aad u weyn,Taasi oo uu ku sheegay inay tahay Mid aad wax uga badeli doonta Nolosha dadka Somaliland,waxaanu Tilmaamay in arintani Horumarka ahi tahay mid ku timi Iskaashiga Dawlada Xukuumada iyo Shacabkeeda,Waxaanu intaa raaciyey inay tahay wax lagu farxo inay maanta iska kaashadaan Somaliland iyo itoobiya Dab awoodiisu gaadhayso Ilaa lixdan kun oo meg-wat (60,000 Megawat)Taasoo uu aad ugu Bogaadiyay Madaxweyne ku xigeenku Dawlada Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici waxuu Xusay inay Arintani keeni doonta Horumar Balaadhan halka sidoo kalena uu ugu Mahadnaqay dadkii iyaguna ka qayb qaatay Tabarucaadkan
Dalkooda wax loogu qabanayo taasi oo uu Madaxweyne Ku xigeenku ku
tilmaamay inay Tahay Fikir Xalaal ah.
waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga
Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan,(Geel Jire) oo isna
Hoosta Ka xariiqay in la gaadhay Xiligii Itoobiya aan wax la qabsan
lahayn,Iyadoo itoobiya maanta tahay mid si hagar la’aan
ah wax inoola qabsanaysa.
Xafladan waxaa kale oo Hadal ka soo jeediyay madashaasi Gudoomiyaha Jaamacada Admas Axmed Daahir Maxamed “Cadnaan” ayaa ka waramay muhiimada ay u leedahay Somaliland biyo xidheenkan laga dhalinayo tamarta waxaanu tilmaamay in biyo xidheenkani yahay ka ugu weyn qaarada Africa waxaa kale oo uu xusay in munaasibadan ay ku aadan tahay sannad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay bilowga dhismaha dhaamkaasi oo ah mashruuca dhalinta tamarta dabka, waxa uu Gudoomiyuhu intaasi ku daray in munaasibadaas ay iska kaasheen Jaamacada Admas iyo Safaarada Ethiopa ee fadhigeedu yahay Caasimada Hargaysa.
Safiirka dalka Ethopia u fadhiya Somaliland Ambassador Bere Tasfaay ayaa tilmaamay qorshaha shanta sannadood ee soo socda ee ku salaysan horumarinta wadanka itoobiya kaas oo u dhexeeya Shacbiga iyo Xukuumadooda isla markaana ay xudun xidh u tahay sida uu yidhi baa’binta Saboolnimada isla markaana lagu kobcinayo Wax soo saarka gudaha si looga maarmo ka dibada.
Safiirku waxa uu sheegay inuu jiro ajande gaar ah oo ahmiyad weyn ugu fadhiya horumarinta Geeska Afrika kaas oo ay ka mid yihiin Mashruucan Tamarta dabka.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com