Madaxda Sare ee dalka iyo qaar kamid ah Wasiirada Soomaaliya oo kulan ku yeesha Villa Soomaaliya, Maxay ka hadleen?
Muqdisho March 18 2013 (SDN)— Kulan ay ka soo qeybgaleen Madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay waxa uu ka dhacay dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay Wajiga cusub ee ay galeyso dowladda Soomaaliya oo dhawaan laga qaaday Xiyaarada hubka oo muddo kabadan 21-sano saarneyd.
Madaxda ka qeybgashay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamanka, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah golaha wasiirada Soomaaliya.
Kulankan ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa hubka Soomaaliya, xiriirka dibada, dib u dhiska Ciidanka dowladda, wadashaqeynta dowladda dhexeeda iyo arrimo kale.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi oo markii kulanku uu soo idlaaday la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in kulankan uu aha mid muhiim ah oo looga hadlay maraxalada cusub ee uu dalku galay iyo sidoo kale sidii loo qaabi lahaa wafdi 30-xubnood ka kooban oo Q/M ka socda kuwaasi oo mid mid ula kulmi doona Madaxda dowladda iyo 10ka wasaaradood.
Mr Ciilmooge ayaa tilmaamay in wafdigan Q/M oo hada ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale tagi doonaan Magaalooyin ay kamidyihiin Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Magaalooyin kale si ay u kormeeraan xaalada hubka Soomaaliya.
SDN-Muqdisho