|

Madaxda Federalka oo Hogaamiyaha SSC-Khatumo ku qaabilay Villa Somalia

-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay hoggaamiyaha SSC Khaatumo, C/qaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaalada guud ee gobolada SSC Khaatumo ka dhagaystay Horjooge Firdhiye.

Hogaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa madaxda dowladda federaalka la wadaagay dareenkooda ku aaddan xaaladda dadka ku nool gobolladaas iyo caqabadaha ka dhashay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in bulshada ku dhaqan deegaanada SSC Khaatumo ay ka shaqeeyaan nabadda, dib u heshiisiinta, iyo xasiloonida.

Hogaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxa uu ku guulaystay in uu sare u qaado maqaamka maamulkiisa,waxana uu kulamo la qaatay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Faderaalka iyo wakiilo ka socday diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Comments are closed