|

Madaxda Dhaqanka Gobolka AWDAL Oo Nidar Ku Maray In Aanay Baarlamaanka Fadhiisanayn Xitaa Haddii Loo Kordhiyo Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland

Borama, 5 August, 2016-(SDN/QJ) – Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ah Guddoomiyaha Madax-dhaqameedka Beelaha Samaroon, ayaa ka hadlay Muranka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu naqdiyey dhawaaq Xisbiyada Qaranku ku sheegeen inay Taageerayaan Go’aanka uu Madaxweynuhu ka saari doono Muranka ka taagan Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac DhawalSuldaan Dhawal oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa sheegay in Dhawaaqa Xisbiyadu ku sheegeen inay Madaxweynaha ku raacayaan Go’aanka uu ka soo saaro Saami-qaybsigu yahay mid khalad ah, maaddaama buu yidhi Xisbiyadu aanay matalin Gobollada ay deggan yihiin Dadka ka cabanaya Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland.

 

“Waxaan ka hadlayaa Saami-qaybsiga Kuraaska Golaha Wakiillada oo Xisbiyadu garteen inay ku celiyaan Madaxweynaha, wayna ku Mahadsan yihiin inay dib ugu celiyaan Xalka Saami-qaybsiga halkii xaqa u lahayd, waxaase wax aanu fahmi waynay noqotay, in (Xisbiyadu yidhaahdaa) Madaxweyne waanu kugu daba-joognaa Go’aanka aad ka soo saarto Saami-qaybsiga, Waayo? Xisbiyadu Maaha Gobollada wax tabanaya ama Qabiillada wax tabanaya, Cidda ka cabanaya Hawshan Xisbiyada Maaha. Maaddaama oo Xisbiyadu aanay ahayn Cidda cabaneysa, Cidda odhan karta Madaxweyne waanu kugu garab taaganahay Waxaad soo saarto waa Gobolladii Cabanayey, sidaa daraadeed Xisbiyadu waxay Madaxweynaha ku taageerayaan ma garanayo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu aad uga biyo diiday Weedh ku jirtay Hadalladii Masuuliyiinta Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE taasi oo ahayd in haddii laga maarmi maayo Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada lagu salaysan doono Habkii Lixdankii loo qaybsaday Kuraasta Baarlamanka, “Waxa kale oo hadalka Xisbiyada ku jirtay in Marjaca loo noqonayaa yahay (Habkii) Lixdankii, waxaan leeyahay haddii Marjaca loo noqonayo (lagu saleynayo Saami-qaybsiga Wakiillada) yahay Lixdankii in Somaliland iyo Soomaaliya kala go’do maaha. Lixdankii la soo hadal qaadaa wax aanu Liqi kareyno Maaha, wax aanu Aqbaleynana Maaha.”

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, waxa kale oo uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in Dadka ay Hoggaanka u yihiin Cidda ay wax ka sugayaan tahay Madaxweynaha, “Dadka aanu Odayaasha u nahay ee hore wax u gudbistay Cidda ay wax ka doonayaan waa Madaxweynaha Ummaddu dooratay ee ay Xilka u dhiibatay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in muranka Saami-qaybsigu waxyeeleeyo Midnimada Somaliland, “Waxaan ka digayaa in Somaliland Doorashadaa soo socota ee 2017-ka aanay ku kala hadhin. Somaliland waxay Dal ku tahay Midnimada iyo Caddaaladda, hadday Suurto-geli waydo in Caddaalad laga shaqeeyo wax lagu kala cawdaa yaanay jirin.”

 

Suldaanku waxa kale oo uu yidhi, “Hore ayaan u sheegnay Maantana waanu idiin sheegaynaa Somalilandneey, ma nihin Rag ku fadhiisanaya haddii la kordhiyo inta naga fadhida labada Gole ee Wakiillada iyo Guurtida, Allaahu Maa Balaqtu ayaanu idin leenahay Xukuumaddaay.”

Comments are closed