Madaxda Degmooyinka Dhahar, Laasqoray iyo Badhan Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Musuq Dhinaca Shaqada ah
Ceerigaabo:3-Nov-2013(SDN)-Madaxda Degmooyinka Badhan, Laasqoray iyo Dhahar oo Dhammaantood ka tirsan Gobolka Sanaag, ayaa xukuumadda Ku Eedeeyey Musuqmaasuq dhinaca shaqaalaha Wasaaradda qorshaynta ah.
Masuuliyiintan Oo Maalintii shalay shir Jaraa’id ku Qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu Hannaan aanHabboonayn u maamushay shaqaalihii Degmo ahaan loo Tababaray inay Degmo ahaan ka qayb galaan Tiro Koobka ay wasaaradda qorhayntu Guud ahaanba Somaliland ka waddo.
Waxa ay Masuuliyiintani carrabka ku dhufteen in cid aan Degooyinkooda u dhalan la qaatay, waxana ugu horrayn halkaas ka Hadlay maayarka degmada Laasqoray Maxamed Ayaan Cashare,”Saamigii Haddii aanu saddexdaas Degmo nahay ku lahayn Shaqaalaha wasaaradda qorshayntu tababarrada siinayso, waxa lagu Lunsaday Magaalada Ceerigaabo, waxana La Siiyey dad aan ka mid ahayn shacabka aanu metelno, waxana Eedda arrintaas iska leh Maamulka Degmada Ceerigaabo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Degmada Laasqoray.
Maayar Maxamed Cashara waxa uu xukumadda iyo wasaarada qorshaynta qarankaba ugu baaqay in loo fiirsado maamul xumida iyo musuqa sii koraya ee ka jira Degmada Ceerigaabo, waxana uu farta ku fiiqay inay Maamulkaasi wax walba sidaa ka yeelaan oo Musuqaan.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com