Madaxda Dawlada KMG ah iyo kuwa Puntland oo lagu eedeeyay in ay damaanad qaad siyaan madaxda Burcad badeeda(Warbixin)
Nairobi July 18,2012(SDN)-Madaxda sare ee dawlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay garab siyaasadeed siiyaan madaxda sare ee Burcad badeeda Soomaalida ee beesha caalamku la tacaaleyso wax ka qabashadooda.
Sida lagu xusay warbin dheer oo ay qoreen kooxda Qaramada Midoobey ay u xil saartay la socodka cuna qabateynta dhawr dal oo Soomaaliyana ay ka mid tahay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxa uu passport nooca dublamasiyiinta ay qaatan siiyay Maxmaed Cabdi Xasan oo Afweyne loo yaqaano.
Afweyne waxa uu ka mid yahay sida warbixinta lagu xusay madaxda Burcad badeeda Soomaalida kuwooga ugu waaweyn.
Warbixinta ayaa xustay in xafiiska madaxweynaha laga siiyay Afweyne dal ku galka isla markaana lagu sababeeyay in ay qeyb ka tahay la dagaalanka Burcad badeeda.
Warbixinta ayaa talaabadan ku tilmaantay in ay ka turjumeyso sida madaxdaiyo dawlada Soomaaliya ay raaliga uga yihiin Burcad badeednimada.
Warbixinta ayaa sidoo kale waxa ay eed dusha uga tuurtay Madaxda iyo maamulka Puntland oo ay ku eedeysay in ay qudhoodo waxba ka qaban la dagaalanka Burcadnimada.
Kooxda QM ee la socodka Soomaaliya ayaa sheegtay in Puntland aaney qabqaban madaxda Burcada,taa bedelkeedana ay qabqabto dhalinta ay isticmaalaan uun.
Ilaa iyo haatan ayaa lagu xusay warbixinta Puntland waxa ay qabatay uun mid ka mida madaxda Burcada Abshir Booya waxaana lagu xukumay uun 5 sanadood,halka dhalintii kalena lagu riday xarig labaatan sanadooda.
Warbixinta ay daabacday kooxda QMu qaabilsan la socodka Soomaaliya oo dhinacyo badan taabaneysa ayaa eedo kal duwan u soo jeedisay masuuliyiinta Soomaaliya,dawladuna hore waxa ay eedahan ugu sheegtay qaar dhan u janjeera.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com