|

Madaxda dalalka Mareykanka iyo Cuba oo 50 sano ka dib shir kawada qeybgelaya

Banama April 11,2015(SDN/QJ)-Kulan ay isugu yimaadeen madaxda 37 wadan oo ku yaal qaarada America ayaa noqday kii u horeeyay ee noociisa oo ay si wada jir uga qeybgalaan madaxda labada dal ee Mareykanka iyo Cuba oo muda 50 ah aan laheyn xiriir siyaasadeed.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay si toos ah isu gacan qaadaan madaxweyne Barack Obama iyo Raul Castro.

Madaxweyne Obama ayaa si kedis ah dhawaan dib uGu soo nooley xiriirkii siyaasadeed ee labada oo mudo 50 sanadooda ahaa mid colaad ku saleysan.

Ergeyga Mareykanka Havana u fadhiya ayaa sheegay in labada dawladood aaney weli ka heshiin in ay safaarado isweydaarsadaan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbad uu kulanka ka jeediyay waxauu ku sheegay in ay dhamaatay xiligii uu dalkiisu faro gelinta tooska ah ku hayay dalalka America.

Hadalakaas ayaa si weyn looga soo dhaweeyay dalalka qaaradan oo aad uga cabta siyaasada muquuninta ay ku sheegaan ee dalalkoodu ay mudaba kala kulmayeen Mareykanka.

SDN/QJ-Panama

contact@qurbejoog.com

Comments are closed