Madaxda dalalka Kenya iyo Itoobiya oo baaq u jeediyay Soomaalida
Nairobi Mar 02,2012(SDN)-Madaxda dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Kenya ayay uga hadleen arrimo la xal u helida xaalada murugsan ee dalka Soomaaliya.
Reysul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi iyo Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki ayaa wada jir baaq ugu diray Soomaalida.
Masuuliyiinta ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay u midoobaan sidii xal waara loogu heli lahaa dalkooda aan lehyn nidaama dawladeed 20kii sano ee u danbeeyay.
Madaxda Itoobiya iyo Kenya ayaa sheegay in kasta oo dalalka jaarka iyo beesha caalamku gacan ka geysateen degenaansho lagu soo celiyo Soomaaliya hadan xal waara waxa uu ka iman karaa uun Soomaalida.
Hadal qoraal ah oo ay madaxda labada dal ka soo saareen wadahadal ay yeesheen ayaa sidoo kale lagu sheegay in guulo ay soo hooyeen ciidamada dalalkaas ee hawlgalada ka wada Soomaaliya.
Sidoo kale waxa qoraalka lagu soo dhaweeyay sida beesha caalamku iminka ugu soo jeesatay wax ka qabashada xaalada murugsan ee Soomaaliya.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com