Madaxada Faransiiska iyo Jarmalka oo isku raacay koboc dhaqaale uun looga bixi karo qalalaasaha Yurub
Berlin Jan10,2012(qurbejoog.com)-Madaxda dalalka Jarmalka iyo Faransiiska oo kulan yeeshay ayaa isla qaatay dhawr qodob oo ay rajeynayaan in ay wax ka bedesho xaalada qalaalse ee ku habsatay dalalka reer yurub.
Nicolas Sarkozy iyo haweeneyda u talisa Jarmalka Angela Merkel ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay sida ay u qabaan in dalka Griigu uu ka sii mid ahaado midawga Yurub.
Waxaaney ka dhawaajiyeen in ay si degdega u shubayaan lacagihii amaahda ahaa ee dalkaasi sida dhaqsaha ugu baahnaa si loo afmero qalalaasaha dhaqaale ee dalkaas ku habsaday.
Labadan masuul waxa ay isla qaateen oo ay soo jeediyeen ganacsatada amaaha ku leh dawlada Giriiga ay cafiyaan kala badh amaahahan.
“Koboc dhaqaale oo la hirgeliyo ayuunbaa qalalaasaha ka saari kara 17ka dal ee yurub ku bahoobay” ayay tidhi haweeneyda u talisa Jarmalka Angela Merkel.
Qubejoog-Berlin
contact@somalidiasporanews.com