|

Madaxa Xiriirka Caalemiga ee Telesom:Heshiiska aanu Google la galay waxa uu keeni doonaa in shikadaha kale ee Caalemiga ahi maal gashadaan Somaliland(DHEGEYSO)

Hargeysa July 19,2012(SDN)-Wareysi dheer oo aanu maanta la yeelanay madaxa xiriirka ama iskaashiga caalemiga ah ee shirkada hormuudka isgaarsiinta ee Telesom Md Maxamuud Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxa uu nooga waramay heshiis shirkada Telesom la gashay shirkada Google.

Sidoo Kale Maxamuud Xaaji waxa uu nooga waramay adeegyo wax ku oola oo ay Telesom u soo bandhigtay macaamisheeda reer Somaliland.

Md Maxamuud Xaaji ayaa noo sheegay in shacabka reer Somaliland ay iminka wixii ka danbeeya ay fariimaha e-mailka ee Gmailka loo yaqaano ay si toosa uga dirsan doonaan Cellphonada.

Shirkada Telesom ayaa adeegan Gmail waxa ay ugu soo bandhigeyso iyada oo bilaash ah,oo aan u baahneyn cell phono cusub oo kuwoodii hore ay isticmaali karaan.

Sidoo kale Madaxa iskaashiga ama xiriirka caalemiga ah ee shirkada Telesom waxa uu noo sheegay in Adeeg kale oo muhiima in ay dhawaan soo bandhigeen,adeegaas oo la yidhaahdo Shaafi.

Shaafi waa adeeg loogu talo galay in ay ka faaiideystaan Haweenka Uurka leh si ay jawaabo waafi ah ugu helaan dhamaan suaalaha caafimaad ee ay qabaan.

 

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/telesom.mp3″]

 

HALKAN GUJI SI AAD UGA BOGATO WAREYSIGA MADAXA ISKAASHIGA CAALEMIGA EE SHIRKADA TELESOM MR MAXAMUUD XAAJI CABDIRAXMAAN

 

 

Comments are closed