|

“Madax Weynuhu wuxuu u balan qaaday Umadda Reer Somaliland hadduu ku Guulaysto inuu dhiso Dawlada yar oo Tayo leh” G.Xigeenka WADDANI

Hargaysa 26.June (SDN) Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Isku shaandhaynta Madaxwayne Silaanyo ku sameeyay Golihiisa wasiirada ku tilaamay mid aan Macno badan lahayn islamarkaana ah Balan fur madaxwayne Silaanyo ku Balan furay Balanqaadkiisii ahaa inuu dhisayo Dawlad kooban oo tayo leh oo ku tiraabi jiray wakhtigii Ololaha uu ugu jiray Doorashada.

“Waxaad Moodaa Isku Shaandhayntani Daaha ka qaaday ama ay Xoojisay Qabiilka, laakiin Dee Xasan Maxamed ku badal wax macna ah oo badan ma samaynayso.Madaxwayne Silaanyo Markii uu Ololaha ku jiray waxa uu Madaxweynuhu u balan qaaday Umadda Reer Somaliland hadduu ku Guulaysto inuu dhiso Dawlada yar oo Tayo leh.Tiina maanta wuu kaga baxay Balantii oo Dawlad Tayo leh-na muu dhisin ee waa Dawlad Balaadhan oo wasiiro fara badan oo aan tayo lahayn” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo u Waramayay Telefishanka HCTV

Hadalka Gudoomiye xigeenka Waddani ayaa ku soo beegmaya wakhti habeen hore Madaxwayne Silaanyo Golihiisa wasiirada ku sameeyay Isku shaandhayntii ugu balaadhnay islamarkaana Dadwaynaha Somaliland iyo Siyaasiyiintuba ka bixiyeen Aragtiyo kala duwan oo dhaliil iyo soo dhawayn iskugu jira.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed