|

Madax dhaqameedka Buuhoodle oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka Dalbaday inay ka Shaqaysiiso Hay’adaha dawlada ee Gobolkaas

Laascaanood 28. Decenbar 2015 (SDN/QJ):- Cuqaasha Buuhoodle Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqaysiiso Hay’adaha dawladda Ee Gobolka Buuhoodle, Waxaanay xukuumadda ku dhaliileen in ay ka gaabisay ka shaqaysiinta hanaankii loo baahnaa ee hay’adaha dawliga ah ee gobolka Buuhoodle, taasi oo keentay in ay meesha ka baxdo wada shaqayntii bushadda iyo maamulka ee dhinacyadda amniga iyo adeegyadda bulshadda.

1377333_633930853412776_6450743549121098522_nCuqaashani oo shalay soo saaray baaq ay arrintaasi kaga hadlayaan oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shebekadda Qurbejoog, waxa kale oo ay ku soo qaadeen baaqoodda heshiisyo nabadeed oo degaanka gobolka Buuhoodle ka dhacay iyo natiijooyinkii ka soo baxay.

Caaqil Cabdicasiis Jaamac oo ka mid ahaa cuqaasha baaqa soo saartay, isla markaana ku hadlayey afka cuqaasha ayaa yidhi “Guud ahaan xaaladda guud ee gobolku waa nabadgelyo, nabadaasina waxay ka soo bilaabatay shirwaynihii Coodanle natiijadiisii. Intii ka danbaysayna waxaa dhacay saddex gacmood kuwaas oo laba ka mid ahna ay wanaag ku dhamaadeen, ta kalena xaajadeedii lagu jiro meel fiicana ay marayso. Run ahaantiina ma jiro wax mar wada dhamaadaa hase ahaatee colaadii guunka ahayd ee aan meel loo raaco lahayni jirin, waxay noqotay mid maanta lagu kala jid qaadanayo qof walibana waxa uu gaysto ay isaga gaar u tahay sida shirwaynahaa nabadeed qodobadiisii ku xusnaa”.

945293_633930866746108_1819869136575025842_nMarka la eego dhinacyada baahiyaha adeega bulshadda iyo tayaynta maamulka ee Buuhoodle uu hakad ku kaga jiro dhinaca xukuumada Somaliland ee bulshada Buuhoodle ay diyaar u tahay inay wax la qabsato xukuumada, waayo waxaan jirin maamul tayo leh kaasi oo ay noogu muuqato inay ka maqan tahay awoodii ka shaqaysiineed ee xukuumada. Waxaan jirin gebi ahaanba ciidankii booliska oo garab-na siin lahaa marka wax dhacaan, mana jiro wax maamul ah oo heer gobol iyo heer degmo oo gobolkan ka hawl galaa sababtaasna, waa mid aanu dhaliisheeda saarayno xukuumada” ayuu yidhi C/casiis Jaamac.

Waxaa kale oo uu caaqilku xusay in ay jiraan oo aanu ognahay in dhamaan maamulka iyo hay’adaha dawliga ah oo dhami wada magacaaban yihiin hadana aanu jirin hal xafiis oo shaqeeyaa. Waxaanu yidhi “Badhasaabkii, taliyihii qaybta booliska iyo maayorkiiba waxay muddo dhawr bilood ah ku soo maqan yihiin caasimada Hargaysa waxaanuna u qabnaa inay ku fadhiyaan halkaa wax ka qabyo ah oo u qabsoomi la’a. waayo waa maamul oo haddii aan joogistooda la ogayn iyo sabab ay u joogaan iskama fadhiyeen, ee amar dawladeed ayay ku shaqeeyaan”.

Magacyadda Cuqaasha baaqa soo dirtay waxay kala yihiin;

Caaqil C/casiis Jaamac Axmed
Caaqil Cawil Maxamed Xasan Dayl
Caaqil Faarax Maxamed Aadan Caws
Caaqil Maxamed Nuux Maxamed (sanwayne)
Caaqil Maxamed Ismacil Gurux
Caaqil Axmed Diiriye Jiije
Caaqil Axmed Cabdi Hiirad
Caaqil Axmed Xasan X Cumar
Caaqil C/KHaalaq Ismaaciil Muuse.

Comments are closed