|

Madax dhaqameed Wasaarada Warfaafinta ku dhaliilay Wax ka qabashada Weriye Wasaarada ka Tirsanaa oo Itoobiya u Xidhan

Hargeysa, 23 Feb 2015  (SDN/QJ)-Madax dhaqameed, Aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa ku dhaliilay wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ka hawlgelis la,aanta weriye Yuusuf Maxamed xasan oo ka shaqayn jiray warbaahinta dawladda oo in muddo ahba la sheegay inuu ku xidhanyay Itoobiya.

Bayaankaasi wuxuu u dhignaa sidan, “Anaga oo ah salaadiinta, cuqaasha, dhalinyarada iyo aqoonyahanka hoos ku qoran ee beesha Muuse Ismaacil, waxaanu baafininaynaa weriye Yuusuf Maxamed Xasan oo ka mid ahaa weriyeyaasha waawayn ee ka hawlgala Wasaarada warfaafinta soomaliland, gaar ahaan wargeyska Dawan qaybtiisa ingiriisida.

weriye yuusuf oo 24/12/2014 lagu xidhay magaalada jigjiga, imikana lagu sheegay inuu ku xidhan yahay Addis ababa, ninkaas oo in mudo ah aanu Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo Wasaarada Arimaha dibada Somaliland ka doonaynay, in ninkaas muwaadinka ah warkiisa naloo xaqiijiyo hase yeeshee ay naga hoos qaadi waayeen, taas oo tilmaamaysa in muwaadinimada somaliland la isku halayn karin iyo baylahda weriyayaasha somaliland ku sugan yihiin.

ugu danbayn hadaanu nahay salaadinta, cuqaasha, odayaasha iyo aqoonyahanka baaqan soo saaray, w waxaanu wasiirka Arimaha Gudaha ka codsanaynaa inuu ka hawl gasho sidii loo sii dayn lahaa weriyahaas mudada xidhan”.

Magacyada soo saaray

  1. Suldaan Maxamud Cali Burale
  2. Aqoonyahan xasan cabdale x.muse

3.cheif caqil C/laahi Cabdale Ismacil

  1. Caaqil cabdi afyare

5.prof.Faarax xasan walalac

6.Oday Craxman farax kaar

  1. C/lahi faarax xaamud

8 eng sharmarke siciid axmed

  1. Aqoonyahan keyse Cali warsame
  2. Aqoonyahan Xasan Cali Buraale
  3. Aqoonyahan Nuux Yasin Mire
  4. Suldan Siciid Maxamud Ali (Carab)

Comments are closed